HomeXaaska Mugabe oo si da’dban ula wareegtay taladii Zimbabwe

Xaaska Mugabe oo si da’dban ula wareegtay taladii Zimbabwe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Harare(SLpost)-Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe oo ah 91 jir, ayaa u muuqda in si aan toos ahayn ay xaaskiisu ula wareegtay taladii dalkaas. Waxa sidaas ku dooday mucaaradka wadankaas.

Hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas MorganTsvangirai, ayaa sheegay in hoggaamiyahan dalkooda ee 91 jirka ah ay xaaskiisu si aan toos ahayn ugala wareegtay taladii, taas oo sababtay in dawladii curyaanto. “Qof dawladda ku jiraa kama fikirayo xalkii lagu furdaamin lahaa caqabadaha qaran, qof kastaa wuxuu ku mashqulsanyahay ciddii bedeli lahayd ninkan daalan ee shookaanta qaranka haya.” ayuu yidhi hoggaamiyahan mucaaradadka ah oo u waramay jariirada Mail And Guardian ee dalka Koonfur Afrika.

Xaaska Robert Mugabe ayaa mumddooyinkan dambe waxa isa soo taraya farogelinta siyaasadeed ee ay dalkaas ku hayso, iyadoo xil ka qabatay xisbiga talada haya ee uu odaygeedu hoggaamiyo, waxaanay safaro ugu baxday dalka gobaladiisa oo ay ku qabanayso kulamo.

Haweenaydan ayaa weerar ku qaada cid kasta oo ay u aragto inay ka soo horjeedo odaygeeda da’da ah, waxaanay baacsataa siyaasiyiinta dawladda ku jira iyo kuwa mucaaradka ah ee ay u aragto inay siyaasadeeda ka soo horjeedaan.

Madaxweyne Mugabe, ayaa u muuqda inaanu si fudud uga degayn talada dalkaas, iyadoo muddooyinkan dambe la dareemayo in xaaladiisu aanay wanaagsanayn. Dhawaan ayaa kulankii ay madaxda Afrika la yeelatay raysalwasaaraha Hindiya, waxa la arkayay isagoo fuuli kari waayay dhawr kaabadood, iyadoo ay ilaaladiisu gacanta qabatay, kana caawisay inuu kaabada fuulo. Dhawaana khudbad uu u jeediyay Baarlamaanka dalkiisa, ayaa wuxuu akhriyay khudbad uu hore ugu jeediyay baarlamaanka. Sidaas oo ay tahay haddana wuxuu Mr. Robert Mugabe doonayaa in xisbigiisu sharaxo doorashooyinka sannadka 2018 oo uu noqon doono 94 jir.

Saxaafada maxaliga ah ee dalkaas ayaa baahisay in dagaal tartan ahi u dhexeeyo taliyaha ciidamada wadankaas iyo haweenaydan u dhaxday madaxweynaha dalkaas, iyadoo uu madaxweyne Mugabe ka digay.

Xigasho Geeska Afrika

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories