HomeXaashi Muuse Muxuu u Xidhan Yahay? Ma Aargoosi siyaasadeedbaa? Qalinkii :Jamaal Cali...

Xaashi Muuse Muxuu u Xidhan Yahay? Ma Aargoosi siyaasadeedbaa? Qalinkii :Jamaal Cali Xuseen, Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID‏

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Hargaysa(SLpost) Marka hore falkii ka dhacay magaaladda Hargeysa todobaadkii hore ee laysku dayey in lagu toogto Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed waxaan mar kale ku celinayaa inaanu canbaareeynayo falkaasi, arrinkaasina wuxuu ahaa mid foolxumo ku ah waddankeena. Maxamed Kaahin iyo muwaadiniinta kale ee Somaliland u dhashayba ee ay dhacdadani soo fool saartay wuxuu falkaasi u ahaa mid ugub ku ah iyaga iyo Somalilandba oo u baahan in wax looga qabto si qoto dheer. Haddaba anigoo taabacsan in si deg-deg ah sharciga loo hore keeno ciddii ka danbeeysay falkii loo geystay mujaahid Maxamed Kaahin, haddana waxaan liqi kari waayey sababta loo xidhay nin aan waxba galabsan oo ah odoyga weyn ee Xaashi Muuse Xuseen oo hore u ahaan jiray Mayaarkii magaaladda Hargeisa, ahna oday weyn oo karaamo iyo sharaf ku leh dalka, imikana ka mid ah ragga ugu waaweeyn odoyaasha reer Hargeysa ee imika nool. Odoygaasi maalintii dhacdada Maxamed Kaahin wuxuu joogay hotelkii uu arrinku ka dhacay waana ninkii badbaadiyey Maxamed Kaahin ee yarkii qoriga kula cararaayey ka dhuftay intuu dhirbaaxay weliba. Maanta in bilad geesi la siiyo bay ahayde, ma in odoygii sifo sharci darro ah loo xidho isagoon waxba galbsan ayeey ahayd>
jamaal

Shalayto ayaan ku booqday Xaashi Muuse saldhiga Booliiska ee Kood-buur oo uu ku xidhan yahay muddo 5 cisho ah. Waxaanan aad uga xumaadday ninkaasi weyn ee xaqdaradda u xidhan ee sifaha aargoosashadda siyaasadeed loo xidhay. Mar aan wax ka weydiiyey arrinkiisii wuxuu ii sheegay in habeenkii ugu horeeysay ee looga yeedhay saldhiga Booliiska ay isla markiiba Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliskuba ay xaal siiyeen oo uu gurigiisii ku noqday. Ka dibna laba habeen ka dib loo yeedhay oo la xidhay ilaa haddana aanu garaneeynin cidda xidhay, iyo sababta loo xidhay. Haddaba Xaashi Muuse yuu u xidhan yahay? Somaliland waxaad mooddaa in dadkii la kala qaybiyey. Waxaan dhowaan maqlaayey siyaasiyiin xisbiga tallada haya ka mid ah oo ku qudbadeeynaayey inay Halgan gelayaan oo dagaal sameeynayaan. Xaggee adduunka lagu arkay xisbi haya talladda dalka oo haddana dadkii u kala saaraya wax Siyaad Barre la soo shaqeeyay iyo wax SNM ah. Somaliland waatii la heshiiyey nin welibana Siyaad Barre wuu u soo shaqeeyay ee yaan dadka la kala qaybinin. Xaashi Muuse wuxuu ii sheegay inaanu ka baxaynin saldhiga Booliiska ilaa loo sharaxo sababto sharci darada ah ee uu intaasoo maalmood uu ugu xidhan yahay magaaladda Hargeysa arrin aanu garaneeynin. Dadka odoyaasha ah ee Birmageeydada ah ixtiraam ayeey inagu leeyahiin haddii wax lagu haystana waa in loo sharaxo oo sharciga si deg-deg ah loo mariyaa. Laakiin arrinka Xaashi Muuse wuxuu u muuqdaa aargoosi siyaasadeed iyo bahdilaad ay xukuumadda tallada haysa iyo xisbigeedu ay qayb bulshadda ka mid ah ay ku beegsanayaan. Waxaanu ku baaqaynaa in cidkasta sharciga la horkeeno oo aan dadka loo xidhin aargoosi siyaasadeed iyo wixii la mid ah.

Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen, Musharaxa Madaxweyne ee Xisbigga UCID
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories