HomeXAASHA EE REER DJIBOUTI ISMA CAAYI KARNO

XAASHA EE REER DJIBOUTI ISMA CAAYI KARNO

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Somaliland iyo Djibouti cay iyo aflagaado toona Kama dhaxayn karto. Dadka jaarka ahi waxay isku leeyihiin ixtiraam xad dhaaf ah iyo is xaq dhowrid weyn. Weliba markaad dawlado tihiin oo aad dhul wadaagtaan, ee aydaan kala guuri karin waxa fiican in lagu dedaalo wada noolaansho iyo derisnimo fiican. Haa, siyaasadu waa tab iyo xeelad. Dawlada Djibouti wax kale may samayn ee waxa isku dayday inay Baasaaboorkeeda innagu gumeysato, markay aragtay baahida weyn ee dadkeena qaarkood u qabaan haysan-shadiisa. Xantaas yar bay reer Djibouti isgaadhsiiyeen. Waxuuse Ilaahay ku qaderey, maahmaah baa tidhaahda, libaaxyadu kuma hurdo seegaan fikirka ay iduhu ka qabaan (Lions don’t lose sleep over the opinions of sheep). Waa inay reer somaliland madaxa
sare u qaadaan, waayo waa dad xor ah oo shan doorasho oo ay ka mid yihiin, labo ah kuwii madaxweynaha, labo degaanka ah, iyo mid Golaha wakiilada ay si qurux badan uga dhaceen. Geeskaba ma cid aan innaga ahayn oo xor ah baa ka jirta. Baasaaboorka iyo ictiraafkuna wuu iman doonaa in’sha’Allahu waqti dhow.
 Madaxweyne Ismaaciil C. Geele waxuu u shaqayaa danta Djibouti, beri hore buu inoo sheegay inuu innala doonayo ka mid ahaanshaha Somaliyaa, halkay reer Djiboutina ay go’aansadeen inaanay ka mid noqonin Somaliya. Si kale hadaynu u dhigno, waxuu yidhi annagu shanta Somalia ka mid noqon kari mayno, laakiin dalka Soomaliland waxa ku haboon inaanay ka go’in Somaliyaa, Fariid. Markaas, fekirkiisa wuu cadaystay, inamana ictiraafin, oo waayo himiladiisaba maaha. Sidaas awgeed,Safaarad buu keenay wax dadka lala hor yimaado maaha. Weli waxuu kuugu yeedhayaa oo aaminsan yahay inaad tahay qayb ka mid ah Somaliyaa, ee yeynaan ugu cadhoonin fikirkiisa uu xorta u yahay. Innaga markaas waxa innala gudboon inaynu himiladiisa beenayno.
Lax waliba shilalka ay is dhigto baa lagu gawracaa. Somaliland waxay u baahan tahay xukuumad ictiraaf u raadis oo aan dadka ku maaweelin khuraafaad iyo been ay ka mid tahay Djibouti baa safaarad ka furatay Somaliland iyo wax la mid ah. Marka la arko xukuumad aan isku kalsoonayn, dee cagta hoosteeda baa lagu gelinayaa. Bal u fiirsada, gudi baa abaarahan taagan loo magacaabay, hadana laguma darin Mohamed Muse Awale oo ah ninkii hogaaminayey mudada dheer hay’ada Aafooyinka Somaliland. Waxa la magacaabay gudida ictiraaf raadinta, hadana laguma darin gudoomiyaha hay’ada qurbe jooga Abdi Abdilahi(dayaxweerar) Hersi. Madaxweyne Siilaanyo waxu qabtay safar Kuwait ah, hadana lama ay soconin wasiirkii arrimaha dibeda Sa’ad Ali shire iyo wasiirkii ganacsigu toona. Djibouti iyo Somaliland bay carqaladi soo kala dhex martay, markaas baa Djibouti loo diray wasiir Baasaaboorka Djibouti sita. Haa, dad badani way sitaan passport-yo wadamo kale, laakiin anigoo Baasaaboorka Canada sita maaha in Canada la ii diro hadii ay mushkiladi ka dhex dhacdo Somaliland iyo Canada, waayo dano badan baa qofka markaas iska dhex geli kara (divided loyalty, conflict of interest). Baasaaborka Djibouti maaha inuu midiidin hamranaya innaga wada dhigo, hadday tahay siyaasi, ganacsade, iyo madax dhaqameedba.
Geedkii gudinta la hadlay waxu yidhi ” gudin yahay iimaad goyseene badhkay baa kugu jira”. Dawladnimo sidaas baynu ka nahay, oo wasiirada ilaa guurtida iyo golaha wakiilada, dadka passport-ka Djibouti sitaa waa buux. Bal hadaba, aynu ka eegno dhinaca bulshada. Berigii madowga lagu adoonsan jirey dalka Maraykanka, ayaa waxa loo kala qaybiyey kuwo guryaha Haldoorada( Masters) uga shaqeeya( house niggers) iyo kuwa beeraha ka shaqeeya ( field niggers). Kuwa beeraha ka shaqeeya si xun baa loola dhaqmi jirey,laakiin kuwan kale dee ninkii addoonta iska lahaa bay madbikhiisa iyo gurigiisa dhex joogeen, oo waxaabay isu qaatay inay kuwa beerta ka shaqeeya, ay ninka cad iyagu uga dhow yihiin oo ka xigaan. Dabeedna, maalin buu mid beerta ka shaqeeyaa is yidhi salaan walaalkii oo guriga ninka cad ka shaqaynayey, oo ku yidhi waar bal iska waran. Kii guriga ka shaqaynayey baa ku jawaabey waanu xanuunsanynaa. Kii beeraleyda ahaa baa ku celiyey, oo sidee laguu hayaa? Kii guriga ka shaqaynayey baa yidhi “dee anigu okay baan iska ahaaye, sow tii markeli uun lagu soo boodey odaygii cadaa ee inna lahaa, dee markaas markuu xanuusadoba annaguna waanu la bukoonaa”. Eebow Qaadir
 Imminka  iyo haatana hadaanu nahay reer somaliland-ta kale( field niggers),xaafad baa Djibouti innaga joogta oo magaceena metesha, waxaanay innoo sheegtay in Djibouti lagu caafimaad qabo, oo aanu cudur iyo belaayo kale toona aanay ka jirin. Belo ma jidho. Hadaba, Jiljileecna looma dhinto ad-adeegna laguma waaro, oo waqti ay noqotoba waynu isasoo gaadhi doonaa, in’sha’Allahu, ee ixtiraamka aynu isugu dedaalno. Horuumar intan imminka ka weyn, oo innaga saara baahida aynu u qabno Baasaaboorka Djibouti, waa in si deg deg ah ay Somaliland u heshaa siiba ictiraaf, oo gunimadan aanu Ilaahay inna badin ka baxnaa( ee ah qofkii Baasaaboorkaas qaatayba xishood !!). Askarigii innaga dhintayna Ilaahay haka waraabiyo Janatul Firdowsal alaclaa. Ilaahayow Aamiin.
Cali Kubadd

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories