HomeXaar Walwaal Afrika Ku Nool Oo La Doonayo In Laga Barto Xal...

Xaar Walwaal Afrika Ku Nool Oo La Doonayo In Laga Barto Xal U Helidda Biyo La’aanta, Abaaraha Dunida Ku Soo Badanaya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (Slpost)- Saynisyahanno u kuurgalay hab-nololeeda nooc ka mid ah cayayaanka Xaar-walwaalka oo ku nool dhulka lama degaanka ah ee dalka Namibia ayaa ogaaday in cayayaankani uu samaystay hab yaab leh oo uu noloshiisa ku sii wadan karo deegaankan oomanaha ah isaga oo biyo ka soo dhex saaranaya hawada. Waxa kale oo ay Saynisyahannadu ogaadeen noocyo ka mid ah geedka Dacarta oo ka baxa dhulka lama degaanka ah ee dalka Chilli in ay sida Xaarwalwaalkaas oo kale iyaguna horumariyeen hannaan bayooloji oo ay hawada biyo kaga saaranayaan, balse farsamo ahaan ka duwan dariiqii bayooloji ee uu xaarwalwaalku maray.

Arrintan lama filaanka ah ayaa Saynisyahannada ku dhalisay fikir ah in ay isku daraan labada hannaan ee Xaarwalwaalkan oo ah nooca dhabarka soo rogan leh iyo geedka Dacarta iyaga oo ku daraya diirka sare ee nooc kale oo ka mid ah dhirta, halkaasna kala soo dhex baxaya ikhtiraac cusub oo ah, maaddo ay sheegeen in ay aadamaha u suurtogelin karto in ay u adeegsadaan in biyaha laga soo miiro hada caadiga ah ee innagu xeeran, arrintaas oo ay ku doodayaan in ay xakamayn karto dhibaatada biyo yaraanta ee dunida maanta ka jirta.

Khubaradu waxa ay sheegeen in cilmi ahaan la og yahay in biyuhu sidoodaba sameeyaan uumi bax kor u baxa oo hawada ku darsama, haddaba hawadaas biyuhu ku milmeen marka ay oogo isku siman ku dhacdo raad badan lagama dareemo, laakiin marka ay ku dhacdo oogo xoodan, sida qolafta dhabarka ee xaarwalwaalka waxaa dhacda in ay biyihii hawada la socday dib u soo ururaan, si biyaha oogadaa xoodan ku samaysmay looga nuugana waxa ay sheegeen in la isticmaalayo hannaanka dacarta iyo dhir kale maraan.

Saynisyahannada arrintan baadhay oo ka tirsan jaamacadda caanka ah ee Harvard ee dalka Maraykanka ayaa aaminsan in habkan Xaarwalwaalka iyo dacartu ay biyaha hawada kaga soo saartaan ay tahay tusaale fiiican oo aynu kaga dayan karno in aynu biyo helno innaga oo tamar iyo juhdi yar gelinnay. Waxa aanay sheegeen in inkasta oo biyahani u baahan yihiin farsamo lagu badiyo haddana ay noqon karaan hab lagu xalliyo dhibaatada dadka dunida maanta gaar ahaan Afrika ka haysata abaaraha joogtada ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories