Home“Xaaladda Laascaanood way ka weyn tahay tabasho bulsho, waa qorshe ay ku...

“Xaaladda Laascaanood way ka weyn tahay tabasho bulsho, waa qorshe ay ku midaysan yihiin kooxo cadow ku ah jiritaanka Somaliland”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday in dagaalka ka socda magaalada Laascaanood aanu ahayn tabasho ay tirsanayaan bulshada ku dhaqan gobolka Sool, balse uu yahay qorshe ay ku midaysan yihiin cadowga Somaliland oo ay ugu horreeyaan Kooxaha Argagixisada ah.

Xukuumadda Somaliland waxa ay sheegtay  inaanay waxba iska beddelin go’aankii ay xalay ku shaacisay xabbad-joojinta ka dhanka ah dagaalka magaalada Laascaanood oo ay isaga soo horjeedaan Ciidamada Qaranka iyo malleeshiyaad isugu jira dadka deegaanka, kooxo argagixiso ah iyo ciidamo isaga kala yihiin dalalka deriska.

Waxa ay Xukuumaddu waxa ay Garaaddada ku sugan magaalada Laascaanood iyo maleeshiyo-beeleedka ka amar-qaata ku eedaysay inay buriyeen kana baxeen xabbad-joojin labada dhinacba shaaciyeen xalay, kaddib markii ay subaxnimadii saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidamada Qaranka, sida xukuumaddu ku sheegtay war-saxaafadeed ay maanta soo saartay.

War-saxafadeedka ayaa lagu yidhi, “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay cadaynaysaa in go’aankeedii  ahaa xabad-joojinta aan shuruudda lahayn uu sidiisii dhaqangal u yahay, waxna aanay iska beddelin.

Xukuumadda JSL wax ay cadaynaysaa in marka horeba ciidamada JSL aanay weerar ahayn  ee ay keliya ku jireen isdifaacid, welina ay ku sugan yihiin fadhiisimadoodii.

Waxa muuqata in dhinaca kale aannu diyaar u ahayn xabad-joojin si buuxda uga dhaqangasha magaalada Laascaanood, iyaga oo ilaa maanta subaxii hore weerarro is dabajoog ah ku soo qaadayay ciidamada JSL.”

Xukuumaddu waxa ay war-saxaafadeedka kaga digtay colaad hor leh oo maamul-goboleedka Puntland ka hurinayo gobolka, “Dhinaca kale, Xukuumadda JSL waxa ay u digaysaa dawaladda Soomaaliya gaar ahaan maamul goboleedka Puntland oo ciidamo tiro badan keenay xuduudda labada dal wadaagaan ee aagga Tukaraq taas oo keeni karta isku dhac ciidan,” sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka.

Waxa kale oo War-saxaafadeedka lagu sheegay, “Xukuumadda JSL waxa ay u cadaynaysaa bulshada Soomaalida iyo caalamka in xaaladda Laascaanood ka taagani tahay mid ka weyn tabasho bulsho ee uu yahay qorshe ay ku midaysan yihiin kooxo cadow ku ah jiritaanka iyo Qaranimada Soomaaliland oo ay ugu horeeyaan kooxaha argagixisada ihi.

Xukuumadda JSL waxa ay u cadaynaynaysaa mar kale bulshada Soomaaliland iyo caalamka in ay xukuumad ahaan ka go’an tahay hirgelinta Xabad-joojintii aan shuruuda lahayn ee xalay  ku dhawaaqday kana go’antahay dhaqangalinta Xabad-joojintaasi.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka oo farriin loogu diray bulshada Soomaalida, Caalamka iyo Shacabka Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories