HomeXaaladda Dhalinyaro reer Somaliland ah oo la Wanjalay, laguna xidh-xidhay dalka Angola

Xaaladda Dhalinyaro reer Somaliland ah oo la Wanjalay, laguna xidh-xidhay dalka Angola

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guuleed Cabdiraxmaan Xuseen oo ka mid ah Soomaalida ku dhaqan waddanka Anglola, ayaa Wargeyska Himilo uga warramay Soomaali badan oo lagu xidh-xidhay waddankaas, kuwaasoo uu sheegay in bilaa sabab lagu xidh-xidhay intii Sharciga haysatay iyo inaan Sharci haysan-ba, ka dib markii ay Wanjaleen sida uu xusay Niman u dhashay dalalka Galbeedka Afrika.

Guuleed oo Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo Xalay Khadka Taleefanka kula xidhiidhay isagoo jooga dalka Angola, isla markaana wax ka weydiiyey dhalinyaro reer Somaliand ah oo waddankaas lagu xidh-xidhay, waxa uu ku jawaabay; “Magacaygu waa Guuleed Cabdiraxmaan Xuseen, dadkan xidh-xidhan niman baa ka dambeeyey reer Galbeedka Afrika ah ayaa ka dambeeyey oo dawladda iyo dhinaceeda ka maray oo ku diray Soomaalida, dabadeedna waxa dhacday in Soomaalidii Sharciga haysatay iyo kuwii aan haysan-ba la xidh-xidho 31 Qof oo dhammaantood Soomaali ah, kuwii sharciga haystayna waa laga ururiyey.”

Somali_ArrestedGuuleed oo ka jawaabayey nooca Sharci ee uu xusay in dadka la xidh-xidhay qaarkood haysteen, waxa uu yidhi; “Sharcigu waa Sharci yar oo Qaxoontinnimo ah oo dawladdu bixiso immika waabay joojisaye oo lagu joogay dalkan Ruwanda oo iska waraaqo ah, waxa kale oo dawladdu bixisaa Waraaqo yar-yar oo Sharciga lagu sugo oo ay immikaba bixiso. Waraaqahaa ka sokow dhulkan Lacag baa lagu joogaa oo Tuulo yar haddaad is-tidhaahdo u bax, wax baa lagu weydiinayaa, Lacag bixi baa lagu leeyahay, haddaanad Lacag bixinna ma socon kartid.”

Mar la weydiiyey inay illaa hadda dawladda kala xidhiidheen xadhigga dadkaas iyo in kale, da’da ay dadkaasi u badan yihiin iyo sababta xadhiggooda, waxa uu Guuleed ku jawaabay; “Dhalinyaro ayay u badan yihiin dadkaasi isugu jira in hore u joogi jirtay iyo kuwo afar sano joogay-ba. Waa la iska xidhay, wax sabab ah oo lagu xidhay malaha, waxaanay immika xidhan yihiin muddo bil iyo dheeraad ah.”

“Markii hore dadka waxa qaban jiray qolada Laanta Socdaalka oo sharci ah oo sharciyada eegi jiray. Laakiin, immika Sharcigii way soo dhaaftay oo Booliskii baa loo diray dadka iyo Tuug dhacaysa Dukaamada, Booliskuna Soomaaligay arkaanba way qabanayaan, maxaad ahayd ma jirto, kii Sharciga haystayna way ka qaadayaan Sharciga.” Sidaa ayuu yidhi Guuleed Cabdiraxmaan Xuseen.

Sidoo kale, Guuleed oo ka jawaabayey tirada dadkaas Soomaalida dhalinyarada ah u badan ee Angola lagu xidh-xidhay Somaliland kaga jirta iyo in Maxkamad la geynayo iyo in kale, waxa uu yidhi; “Saddex Wiil baan ka garanayaa oo kala ah Wiil reer Boorama ah, Wiil reer Burco ah iyo Wiil reer Hargeysa ah, dadka inta kale waxay u badan yihiin Soomaalida Itoobiya iyo Soomaalida Koonfurta. Ma rejaynayno in Maxkamad la geynayo dadkaas.”

Sidoo kale, Guuleed Cabdiraxmaan oo la weydiiyey waxa xalku noqonayo, waxa uu yidhi; “Dhibku wuxu ka taagan yahay dadkani waxay ka shaqeeyaan gobol Macdanta laga qodo, waxaana lagu soo eedeeyey inay yihiin bilaa-sharci, isla markaana ay qodanayeen Dheemman, markaa gobolkaas laga qabtay ayaa Sharciyadii lagaga reebay, iyagana Caasimadda Angola ee Luwanda ayaa la geeyey oo lagu xidhay Xabsi weyn oo ku yaalla oo magiciisu yahay Lambar 13 Luuqaddeenna, Xalkuna keliya waa in la celiyo ama ay iska xidhnaadaan uun.”

Gebo-gabadii waraysigan oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey sida ay dalkaas u joogaan iyo waxay Soomaalidu ka qabato, waxa uu yidhi; “Horta, waddankan aannu joognaa waa iska adag yahay oo dadkan Afrikaanka ahi way takooraan Soomaalida, meeshana haddaanay cid dawlad ah ama Wakiil u ahi joogin oo odhanaysa dadkan maxaa loogu gefayaa iyo si sharci ah halloo soo celiyo toona, waxa loo arkayaa dad aan cidi ka dambayn.”

“Dadka Soomaalida ah ee dalkan joogaa waxay u badan yihiin laba qaybood oo qayb Meherado Ganacsi ah oo Dukaammo iyo Bakhaarro ah ku haysta meesha oo ka shaqaysta iyo dad Macdan-qodista ka shaqaysta. Markaa, hadday weliba codsadaan iyagu xalku waa in dib loo celiyo iyo inay iska xidhnaadaan, xal kale ma jiro.” Sidaa ayuu yidhi Guuleed Cabdiraxmaan Xuseen oo Jawaabta Su’aashaas sii watay.

XIGASHO: HIMILO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories