HomeXaaladda Dadka ku Xidhan Saldhigyada iyo Xabsiyada Dalka iyo Halista Caabuqa CoronaVirus:...

Xaaladda Dadka ku Xidhan Saldhigyada iyo Xabsiyada Dalka iyo Halista Caabuqa CoronaVirus: Baaq ku socda Madaxweynaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa loogu baaqay inay xil-gaar ah iska saarto ilaalinta iyo Daryeelka maxaabiista ku jirta Xabsiyada iyo Jeelasha dalka oo lagu tilmaamay inay dadka kale uga nugul yihiin qaadista Caabuqa CoronaVirus ee sida xawliga ah ugu fidaya caalamka.

blankSida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Urur Maxalli ah oo lagu magacaabo Horizon Institute, waxa madaxweynaha iyo xukuumaddiisa lagu bogaadiyey tallaaboyinka ay ka qaadatay ka-hortagga Cudurka COVID-19, haseyeeshee waxa war-murtiyeedka walaac lagaga muujiyey xaaladda dadka ku xidhan Saldhigyada Booliska iyo Xabsiyada oo u nugul inay si fudud uga kala qaadi karaan Xanuunnada kala duwan gaar ahaan Caabuqa KoronaFayrus, iyadoo taasna ay sahlayso tirada badan ee maxaabiista kuwada jirta Qolalka Saldhigyada iyo maxaabiista.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay inaanay wanaagsanayn xaaladda nadaafadda ee Saldhigyada iyo Xabsiyada dalka isla markaana aanay oolin ama ay yartahay adeegyada kala duwan ee ilaalinta nadaafadda si looga hortago cudurka Covid-19.

War-saxaafadeedka Horizon Institute, ayaa u qornaa sidan:-

blank“Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu qaaday tallaabo lagaga gaashaamanayo caabuqa Adduunkii ku faafa yee COVID-19. Kadib markii la xaqiijiyey in kiisas caabuqan ah laga helay Itoobiya, Soomaaliya iyo Kiiniya.

Madaxweynuhu waxa uu amray in la xidho dugsiyada, waxa uu mamnuucay goobaha ay bulshadu ku kulmaan, sidoo kale waxa oo xadiday isu-socodka illaa bisha soo socota si bulshadu ay u badbaado.

Tallaabooyinkani waxa ay mudan yihiin in la bogaadiyo. Sidoo kale waxa aanu kula talinaynaa Madaxweyne Bihi in uu tallaabo degdeg ah ka qaato sidii loo illaalin lahaa dadka ku xidhan saldhigyada booliska iyo xabsiyada Somaliland.

Dadka xabsiyada ku jiraa aad ayay ugu nugul yihiin caabuqan Adduunka ku faafaya.

Somaliland, dadka ku jira xabsiyada iyo saldhigyada booliska waxa lagula xidhaa qolkiiba tobonaan qof oo kale, kuwaas oo ay adagtahay in ay helaan agabkii nadaafadda ee aasaasiga ahaa sida saabuunta iyo biyo nadiif ah.

Haddii mid ka mid ahi xanuunsado, dadka kale ee goobta jooga oo ay ku jiraan saraakiisha booliska iyo ciidanka asluubta, iyo sidoo kale dadka soo booqanayaaba waxa ay halis aad ah ugu jiraan in ay qaadaan xanuunka. Tani waxa ay dhici kartaa haddii qof qaba caabuqan coronavirus uu soo galo saldhigyada booliska ama xabsiyada.

Waxa uu si xawli ah ugu faafi doonaa bulshada. Iyada oo aynu ogsoonahay in ay dadku galaan kana baxaan saldhigyada iyo xabsiyada si joogto ah, xanuun kasta oo ka dillaacaa waxa uu si dhakhso ah ugu faafi doonaa bulshada.

Waddamada uu ka dillaacay COVID-19 waxa ay qaateen tallaabooyin ay kaga hor-tegeyaan halistan iyaga oo yareeyey tirade dadka xidhan. Iran waxa ay dammaanad ku sii deysay 85,000 oo maxbuus, gaar ahaan kuwii aan loo heysan denbiyada waaweyn ee muddada gaaban lagu xukumay. Maraykanka, waxa lagu amray saraakiisha booliska ee gobollada qaar in ay qof xidhaan oo ay xabsiga u taxaabaan kaliya haddii laga maarsan waayo.

Hay’adda Horizon waxa ka go’an dhawrista shaqaalaheeda iyo dadka ay u adeegto, waxaana la faray shaqaaluhu in ay kasoo shaqeeyaan guryahooda illaa hadda.

Shaqaalahayagu waxa ay bixin doonaan adeeggii kaalmada sharci ee ay u fidin jireen dadka xidhan iyo qoysaskoodaba iyaga oo isticmaalaya telefoonadooda.

Waxaaanu ku boorinaynaa Madaxweyne Biixi in uu soo rogo tallaabooyin kale oo deg-deg ah isaga oo amraya in lagu sii daayo dammaanad shardi ku xidhan maxaabiista aan geysan danbiyada culus, gaar ahaan haweenka uurka leh iyo maxaabiista marka horeba xanuunsanayey, iyo in lagu amro booliska in ay soo xidhaan kaliya dadka danbiyada halista ah geysta. Saabuun dheeraad ah waa in la gaadhsiiyaa dhammaan saldhigyada booliska iyo xabsiyada.

Tallaabada hadda la qaadaa waxa ay badbaadinaysaa dadka xidhan iyo guud ahaan bulshada.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeeka ay soo saartay Ururka Horizon Institute.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories