HomeXaaladda Abaarta Degmada Sallaxley oo halkii ugu Darrayd Gaadhay iyo Baaq Qayla-dhaan...

Xaaladda Abaarta Degmada Sallaxley oo halkii ugu Darrayd Gaadhay iyo Baaq Qayla-dhaan ah oo Laga Diray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Degmada Sallaxley xaaladda abaartan ku daba dheeraatay dalka ee xidhiidhka ah illaa kal hore, waxay bishan August maraysaa halkii ugu cuslayd xagga xaalufka dhulka iyo le’eshada xoolaha u dhimanaya macaluusha, biyo la’aanta, cunto yaraan iyo nafaqqo darro baahsan oo soo waajahday bulshada ay ugu nugul yihiin carruurta yaryar, dumarka iyo dadka jilicsan ee abaartu laciifisay. Abaartan laba jirsatay, guyaadda iyo karanta la waayay, ayaa ah masiibo uu ka siman yahay deegaanku illaa hawdka sare iyo halka ugu durugsan ee dadku u hayaami jireen ee degmooyinka kale illaa Daroor lahaa.

Dhaqan dhaqaale ahaan, Sallaxley ma laha waxsoosaar beereed oo buuran balse waxay nolosha bulshadu ku tiirsanayd neefka xoolaha hadday waxka iibsadaan, hadday caano diiqaan iyo haddii ay si kale manfac uga helaan ba. Waxay isugu jireen dadku xoola dhaqato iyo deegaan isaguna taas uun siyaabo kale duwan ugu tiirsanaa. Hadaba maanta khayraadkii xooluhu wuxuu u dhimanayaa tarab tarab, dadka boqolkiiba inta badan way ka baxeen xoolihi, ama waxaa u xaraysan xayeesh ruqanaya oo aan nafi ka sarrayn. Le’ashada xoolaha waxaa ugu daran is nuugta ama irmaanka geela iyo idaha.

Saamaynta xaaladdan abaareed qaaliyawga maceeshaduna weheliyo, waxay dhaxalsiisay bulshada reer Sallaxley inay galaan xaalad dhaqaale xumo, cunto yaraan iyo duruufo qallafsan oo aan dad badani saddexda wakhti dabka wax saarin. Waxaa taagan xaalad nafaqqo darro halis, heerka ay marayso iyo tirada dhalaanka iyo hooyada usoo dhacaya oo si xawli ah usoo kordhayay illaa bishii April sida aannu xogta ku haynno, xarumaha caafimaad oo marka horeba xadidnaa, marka laga tago Cisbitaalka Sallaxley, ma jiraan xarumo u diyaarsan ka hawlgelidda la dagaalanka nafaqqo darrada.

Baraatugtu waxay u badan tahay faaruq iyo gun hoose meelaha qaar, Balliga Qoolcaday oo baryahaaba looga biyo dhaaminayay deegaannada ooman ayaa haatan gabaabsi ah. Riigga kaliya ee shaqaynaya waa kan Xarunta Sallaxley oo culays badani saaran yahay, biyuhuna adag yihiin xagga cabbitaanka dadka, mana jiraan ilo biyood kale laga gurman karo biyo dhaan degmada gudaheeda. Qiimaha foostada biyaha ah ayaa deegaannada biyo la’aantu ka jirto gaadhay SLSh 15,000-20,000, korna u soconaya halkii laga helo.

Waxaannu ku qiyaasnay inay in ka badan 10,000 qoys immika ku sugan yihiin xaalad cunto yaraan oo laga dayrin karo, isla markaana ay heer halis gaadhi karto aakhirka August illaa bisha September haddii aan roobabkii Karanta Ilaahay keenin ama aanu gurmad kale usoo dirin dadka. Kaamka Baracaka Sallaxley waxaa ku soo biiray narakacayaal cusub ah, waxaanan qiyaasaynaa inay in dadweynihii ugu badnaa ku barakacayaan gudaha degmada abaartan awgeed, waxbana aanay u diyaarsanayn.

Dawlad Hoose ahaan awoodayadu way kooban tahay marka loo eego baaxadda dhibaatada jirta ee abaartani keentay, heerka dadaalka gurmadka kale baad iyo taakulo kaleba aad buu u xadidan yahay ama aanu jirin ba. Doorkii bulshada degmada ka soo jeedda ee ganacsato, reer magaal iyo qurbajoog ba lahaa weli ma haynno.

Sidaa darteed, waxaannu ugu baaqaynnaa dhammaan cidda ay khusayso, shacab iyo dawlad ba, ganacsato, qurbajoog, hay’adaha samafalka maxalliga ah iyo kuwa kaleba ee ka hawlgala Somaliland, iyo dhammaan muxsiniinta dal iyo debad ba in loo soo gurmado bulshada degmada Sallaxley ee abaaruhu saameeyeen, laguna baraarugo inay dadku sii wajahayaan xaalad adag oo cunto yaraaneed iyo barakac badan oo ka dhalanaya saamaynta abaarta. Wasaaradda Biyaha waxaan ugu baaqaynnaa in si degdeg ah naloogu dhamaystiro dayactirka Riigga Gaydhka oo isagu biyo dadku cabbi karaan leh, cillad aan weynayn na u fadhiya muddo dheer.

Waxaannu leennahay xisbiyada iyo dadka doorashada ka hadlaya ee buuqa siyaasadda ku fooqan, miyaydaan xaaladda dalku marayo ee abaarta ka war haynin? waa ayo dadka codka laga doonayaa barrito? Miyaanay ahayn dadkan gaajada iyo harraadka u dhimanaya ee caydhoobay?

Waxaannu leennahay ma taagna maalin doorasho iyo loolan siyaasadeed , waxaan ku jirraa marxalad innooga baahan inaan gacmaha isu qabsanno gurmadka dadkeenna iyo la tacaalidda xaaladda abaarta dad iyo duunyaba saamaysay.

Waxaannu ka warqabnaa inaan xaalufka dhulka iyo xaaladda ba’an ee abaarta laba jirsatay ku ekayn Sallaxley balse ay degmooyinka dalka badankoodu ka siman yihiin haba is dhaamaane

Waxaannu ugu baaqaynnaa dadka kharashka badan ku bixinaya hudheellada iyo arrimaha siyaasadda inay ku bixiyaan gurmadka biyo dhaanka, raashinka iyo badbaadinta nolosha dadkooda baahan ee abaartu hayso Sallaxley iyo degmooyinka kaleba ee dalka guud ahaan.

Waxaan ugu baaqayaa siyaasiinta kursi doonka ah ee dadka abaaraysan ee gobollada iyo degmooyinka mudaharaadka ugu baaqaya inay xaaladda dadweynaha reer miyiga ah iyo degmooyinka abaaraysan soo ogaadaan oo ay gurmadka kala qaybgalaan dawladda.

“Waxaan Ilaahay (SWT) ka baryaynaa inuu Raxmaddiisa Ballaadhan innoo shubo”

Axmed Buraale Iimaan

Guddoomiyaha Degmada Sallaxley (Tell: 063 4249740/654705574

Email: salahleyoffice1997@gmail.com)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories