HomeXaal-Qaado Gabayow! – By Khaalid Kileesh

Xaal-Qaado Gabayow! – By Khaalid Kileesh

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Bismilaah, ummad waliba waxa ay leedahay diin, dhaqan iyo af u gaara oo ay kaga duwantahay dadka kale, runtii inagu waagii isticmaarka ka hor waxa aynu ahayn dad iyo duunyaba qaar dhisan oon xagal ka daac iyo gol-daloolo toona lahayn. Waxa aan ujeedada maansada kaga hadlayaa dadkan yar iyo weyn wixii ay hanti lahaayeen badhi-furay een lahayn wax ay maanta kula tartamaan aduunka waxaa dad is buuxshay. Xaga suugaanta oo ahayd ma huraan iyo mid micna weyn dadka u lahayd ayaa hada cid waliba shaxaad iyo magac ku doon noqotay; waxay maansadu soo baxday 20/12/2012 waxanay tidhi:

Khaalid-3Xa’da maanso Cigalow

Murtiddiyo xilkeedii

Ma higgaadin xarafkoo

Maba deyin xageedee

Caaway igu xasishoon

Xadantada hoggeediyo

Xarunteeda helayoon

Xaqiiqada u faytee

Iga gura xayaabkiyo

Suugaanta xeeshiyo

Ku xijaaban garashada

Aduunyoy xaalkaa ba’

Tubtaaduna xufbeel iyo

Xabsi lagu habaabiyo

Xulad weeye naare

Dadku xeerka guud iyo

Noloshiyo xayaatada

Wuxu ahaa xil-qaadiyo

Xabiib iyo wadaad iyo

Xeer-beegti dahaboo

Faralkiyo xadiiskiyo

Dhaqankiyo xishoodkiyo

Xakamaha Illaah iyo

Xisaabaha adkeeyoo

Xididkay ka beermeen

Xero nool u oodee

Ragu wada xog-maaliyo

Xilkas iyo mid roonoo

Xigmad lagu manaystoo

Xaawila dadaalkoo

Duunyadiisa xejiyoo

Xil-qabeenabuu ahaa

Dumarkuna xariir iyo

Xaawalay aqoonliyo

Xaas lagu badhaadhoo

Gacal iyo xigaal iyo

Xidigaha nin gaadhiyo

Xeeldheere beertoo

Xuduntiisa reer bilan

Xambaaray ahaayeen

Barbaartuna xaluul iyo

Xamash iyo ugbaad iyo

Xalaal wada dhamaysoo

Xubi lagu gardaadshay

Xasanoow ahaayeen

Waxa jiray xidhiidh iyo

Kalgacayl iyo xiisoo

Dadku wada xigaal iyo

Xididbay ahaayeen

Xurguftiyo colaadiyo

Xasadka iyo beentiyo

Xanta iyo lurkeediyo

Inta laga xijaabtiyo

Xunka lama jeclaynoo

Qiyaamaha xogtiisiyo

In xabbaal la galayoo

Xukun adag la marayoo

Xayn-daabka ololkiyo

Naaraha xumbeeyiyo

Cadaab laysku xidhayaa

Nafta lagu xujeeyoo

Xiska lagu dardaaroo

Xasuusteeda la hayee

Intaaba waa la xooroo

Hadeer waa xergegen

Xaashee basaas iyo

Dhulku waa xadaafir

Waxa yimi dar xaaboo

Xirgigoodu eber yahay

Sammo waa la xaydoo

Xumahay ku dararaan

Xishoodku waa u ceeb

Xaaraanbaa u hantiya

Xeewalbaa u ciidana

Xuubkiyo dubkeeniyo

Xagkabkiyo afkeeniyo

Xaqiiq wixii aynu layn

Xansasbaa la saaroo

Xabaalbaa la geliyoo

Xaaluf iyo abaar iyo

Xafash iyo awaariyo

Xashiishbaa hadhee

Waxa xagal ka daaciyo

Xajiimada dusheeniyo

Xagtimaha inagu dhigay

Xafaarihii caddaankiyo

Xangaruufkii gaalkiyo

Waa gocoradii xumaa iyo

Xadhka goyskii diintiyo

Dhaqankeena xaaqee

Ximaayadii dhexdeeniyo

Xogobsaday duxdeenoo

Xag kalaa gumaysigu

Weli xaadir sii yee

Xaajada gunteediyo

Bal aan raaco xadhigaan

Xaglihiisa soohoon

Xanaf-tiro warkaygee

Suugaantu waa xaram

Hibo xaakim bixiyoo

Lagu xajo hankeediyo

Xaaxiga hirkeedoo

Xaddigeeda mawluhu

U xantoobsho ruuxuu

U xil-saaro garashee

Xejin kara hayaankee

Hal-abbuur xishood iyo

Xeel iyo garaad iyo

Xigmad iyo aqoon iyo

Xalad iyo af-maal iyo

Xaqa iyo garsoorkiyo

Murti xabadka taaloo

Xoorisa wanaag iyo

Xushmaa lagu yiqiine

Kol haddii xayraankiyo

Dadka kii xummaa iyo

Xabaglihii shaxaadkiyo

Xaashkiyo siggaarkiyo

Xaabxaabka kugu dayey

Xeerkaaggii dhimayoo

Waa horuu xijaabtee

Xila-furo abwaannimo

Xaal qaado gabayoow!

                                        Hal-abuure: Khaalid Kileesh

                                        Email: kooshin955@gmail.com

                                        Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories