HomeXaaji Cabdiwaraabe Oo Dalka Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay

Xaaji Cabdiwaraabe Oo Dalka Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Saaka arooryadii hore waxa garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport lagu soo dhaweeyey Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaraabe) oo uu wehelinaayey Amb. Baashe Cawil Cumar oo isagu xaajiga u qaaday Imaaraadka si xaaladiisa caafimaad loogu sameeyo shaybaadh guud ama loo hubiyo, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka, kana hortageen wasiiro, wasiiru-dawlayaal, Wasiir ku xigeeno, Lataliyeyaal, Xildhibaano, Xubno ka mida Golaha Guurtida, Masuuliyiin tiro badan oo kale iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan.

Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa halkaas ka tidhi “illaahay baan ugu mahad naqaynaa inuu maanta xildhibaan Cabdikariim kusoo celiyo wadankiisi isagoo cagihiisa ku socda aad baan ugu mahad naqaynaa Safiirkeena jooga Imaaraadka Baashe oo hawl yareeeyey safarkiisa caafimaad runtii waa illaahay mahadii, waxaynu dheernahay ummadaha kale waxaa ka mida Xildhibaan Cabdikariim oo runtii isagoo da’a daa jooga hadana caqligiisa aan inyar kolba marka Mawduuc “topic” gaa laga hadlayo si sugan uga hadla runtii waxaa weeyi waxyaabaha ummaduhu ay ka yaabaan inaguna ilaahay ugu mahad naqno ay tahay aynu qiimayno aynu had iyo jeer ogaano kolba xaaladiisu siday tahay, aynu ka war hayno oo aynu la socono qiimaynta uu leeyahay inagoo dhami ay waajib inagu tahay inaynu qiimayntaa ku dayano, siduu u noolaa iyo siday noloshiisu ahayd ayey ka turjumaysaa caqligiisaasu”

DSC_0001 (1)

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse “ Ilaahaybaa mahadleh Xaaji Cabdikariim Xuseen oo aad garanaysaan Xildhibaan weynoo dalkeena qiimo weyn ugu fadhiya Xildhibaan weynoo taariikhda kaalin muhiima kaga jira, waxaan uga mahad naqaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland gacanta uu ka geystay safarkii hore ee loogu qaaday Addis ababa iyo safarkan danbe oo imika lagu geeyey Saldanada Imaaraadka Carabta caafimaadkiisana lagaga soo shaqaynaayey, caafimaadku waa wax illaahay bixiyo laakiin dadka dedaal baa lagu leeyahay dedaalkaa waxaan uga mahad naqaynaa Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ragga kale ee ay ka mid yihiin ragg iyo dumarba, Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi, Safiirka Imaaraadka Carabta u Fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Baashe Cawil Cumar, illaahay baanu marka hore uga mahad naqaynaa marka xigina Madaxweynaha iyo inta gacan ka geysatay baan uga mahad naqaynaa, Waxaa ku dayasho mudan Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdiwaraabe) inta cumaamad sidata inta madaxtinimo kale qoolaaliyeysa iyo inta xilal haysa ama siyaasadeed iyo mid dhaqanba ku dayashuu mudan yahay xaaji cabdikariim sidaa caafimaadkiisa looga werweraayo in lagaaga werwero waad mutaysan kartaa hadaad Cabdi Waraabe ku dayato illaahay baanu ka baryeynaa inuu cimrigiisa iyo caafimaadkiisaba inoo dheereeyo waanan uga mahad naqaynaa shacbiga Somaliland Madaxweynaha iyo Xukuumadaba” .

Sidoo kale waxa hadlay Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) “ Maxfalka iga horyimi Wasiiradii, Madaxdii, Guurtidii, Baarlamankii, Culimo awdiinkii Shicibka Somaliland Salaama Calaykum Wax Raxmatulaahi Wa Barakaatu, Waxaan illaahay ugu mahad naqayaa anigoo talaabsanaya oo caafimaad qaba dee da’adii maahee wixii kale illaahay iga kor qaaday oo dawlada imaaraadka u maleegatay haduu dalkii igu soo celiyey isagoo nabada waa illaahay mahadii waxaan u mahad naqayaa dawlada imaaraadka Madaxdeeda iyo Minjaheeda shicibkii joogay ee Soomaliland iyo shicibkii Carbeed siday ii dhawrayeen iiga hor yimaaden ee iisoo bixitimiyeen dhakhtarkii igu maleegtayna waan u mahad naqayaa calankooda iyo keenuba ha raagee, safiirkii halkan iga kaxeeyey halkana i keenay imika ila socda oo la yidhaahdo Baashe Cawil Cumar ha baashado kor alle haka yeelo inagana gobanimada alle haynoo adkeeyo Madaxda alle haynoo raajo Madaxda markaan tegayaba horaynta iyo dermada iga horaysiisa Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweyne ku xigeenka Saylici iyo Haweenkooda iyo Wasiiradu intuba waa mahadsan yihiin “.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories