HomeXaaji Cabdi-Waraabe Oo Talooyin U Jeediyay Qaybaha Kala Geddisan ee Bulshada!

Xaaji Cabdi-Waraabe Oo Talooyin U Jeediyay Qaybaha Kala Geddisan ee Bulshada!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xaaji Cabdi WaraabeWaxa muhiim ah in waayeelka laga gunto talo iyo tusaale, sidaas darteed ayaannu jeclaysannay in aanu Xaaji C/Kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) weydiinno hogatus uu u jeediyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana suaalahan bandhigay bahda QALIN-MAAL GROUP OF SOMALILAND . Isaga oo si guud bulshada ula hadlaya Xaaji Cabdi ugana diganaya qabyaaladda, qarannimadana ku waaninaya waxa uu yidhi “Waa in qoomiyadnimada la dhawraa. Qabaaladdu waa dab iyo batrool. Qabaaladdu waa in la is aaso, bukaanka la isku booqdo, ee maaha in meel la isku urursado oo la yidhaahdo xukuumadda aan la dirirno. Dawladdu waa wada idinka, cishaba ninbaa kursiga ku fadhiya, ka u badani shan sannadood buu ku fadhiyayaa waa wax yar. Cishaba ninbaa ku fadhiya, cishaba ninbaa janana, cishaba ninbaa kornayla, idinkay idinku soo socotaa, dawladda inaad wada ilaashataan baan idinku wacdiyayaa”.

Xaaji Cabdi waxa uu isaga oo dhallinyaradala hadlaya uu yidhi “Dhallinyarada waxaan leeyahay calankaa qaaliya ee kursigu qaali maaha, kolbana nin baa ku fadhiya. Waa inaad bileys wada noqotaan, oo khamriga qabataanoo, xashiishadda qabataanoo, qaadka yaraysataanoo, sigaarka yaraysataanoo, is-ilaalisaanoo, oo cibaadada badisaan, gobanimadana ilaalisaan baan idinkula dardaarmayaa. Nin walba halkiisaa dabadeed kursigu ugu imanayaa. Nabadgelyada inaad ku dedaashaan weeye”

Qaybaha bulshada ee aanu weydiinnay in uu talo-u-jeediyo Xaaji Cabdi waxa ka mid ah hoggaanka dhaqanka, isaga oo taas ka hadlayana waxa uu yidhi “Madax-dhaqameedka waxa loo sameeyay in uu dadka u dhexeeyaa, oo wixii shicibku ku dulmanyahayna xukuumadda kala hadlaa, wixii uu shicibku dulmi iyo deelqaaf samaynayana shicibka la hadlaa. Ninka cumaamataa in uu dhex ahaado, oo aanu qolo ahaannin baa la doonayaa. Ninka madax-dhaqameeda ee magac la saaraa in halka uu joogaba macno guurti yeeshaabaa la doonayaa, hadduu Suldaan yahay, hadduu caaqil yahay iyo hadduu beel-daaje yahay”.

Mar uu Xaaji Cabdi la hadlayay culimada waxa uu yidhi “Culimaa-u-diinku inuu siduu Ilaahay iyo Rasuulku yidhaahdeen ku socdaan, ooo si wanaagsan bay wax u wacdiyaane, kuwa aan wadaddada ahaynee haddana wadaad isku sheegaya, ka kuwa wax qarxinaaya soo diraya waa inaad dhan ka noqotaan, oo sida culimaa-u-diinka Hargeysa wax u wacdiyo in la aqbalaa oo la dhegaystaa, oo Idaacadaha dhegaysataan Culimadu wax ka wacdiyayso. Ninkii caqli leh rag iyo dumar gobanimada inaad ilaashataan baan Soomaaliliin ku wacdiyayaa”.

Farriinta uu qurbe-joogga u gudbinayo Xaaji Cabdi ayaa iyaduna ah “Qurbe-joogga, waddanka waad ka maqan tihiin. Qabaaladdina qurbe-joogga ayay isugu tagtay. Faa’iido waynna waad u leedihiin waddanka, ama iskuul ha dhiseen, ama waddooyinka wax ha ka qabteen, ama haddii Alle yidhaahdo qoysaska wax ha u soo direen, faa’iido wayn baa leedihiin, laakiin qabaaladda biiya, oo qoomiyad ku dara, oo yaan qabaalad la idiinla iman caamkiinna idinkoo mahadsan”.

Weydiin ah “Maxaad Xaaji Cabdoow siyaasiyiinta kula talinaysaa?”. Waxa uu kaga warceliyay “Siyaasiyiinta ninka kursi ku fadhiyaa qolo yuu noqon, dadkoo dhan buu nin jecel iyo nin necebba u oday yahay, u wasiir yahay, oo u madax yahay, hadduu xisbi yahay waa inuu dhex u noqdaa. Haddii ninka kursiga u fadhiya la qadfo waa inuu dulqaataa, kursigaa la qadfayaa cidla nin iska maraya cidina waxba ma tidhaahdo. Saluug waa imanayaa, markuu saluuggaasi yimaaddo waa inuu dulqaataa siyaasiga. Ka kursiga doonaya ee faraha madhani waa inuu miyir ku doonayaa, ka haystaana waa in uu dul lahaadaa ee kursiga ku fadhiyaa, kursigaa lagu loollamayaaye. Wuxuu yidhaaba maaha inuu daba-galo, oo uu ka cadhoodo. Midna waa inuu waddada mucaaridka soo maraa oo tilmaamaa wixii dhiman, midina waa inuu dulqaataa. Ka kursiga fadhiyaa waa in uu dulqaataa marka meel lagaga dhaco, oo sabir lahaadaa”.

Ugu dambaynna waxa aanu Xaaji Cabdi oo kelmad waayeel ku leh haweenka ayaa yidhi ayaa yidhi “Haweenku jagadoodii way buuxiyeen. Ha ka sii wadeen, ha degdegina, wakiilladay ku jiraan, guurtiday ku jiraan, wasiirraday ku jiraan, tacliintay ku jiraan, meel walba waad ku jirtaan, waanay soo kordhayaan. Gobanimada ilaaliya. Idinkaa guryaa joogee, siyaasiga inna soo galaya ee inna qarribaya, ee xashiishadda sida, ee qudhunka sida soo sheega ayaan haweenka leeyahay. Halkaas aad haysaan ka haya, waad dedaasheen, idinkaa ragga ka dedaal badan haweenka Soomaaliliin”

Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories