HomeNAIROBI: Xaafadda Islii oo Laga Xusay Sanadguuradii 2aad ee Weerarkii Westgate

NAIROBI: Xaafadda Islii oo Laga Xusay Sanadguuradii 2aad ee Weerarkii Westgate

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

isliiNairobi(SLpost) — Xaafada Eastleigh [ISLII] oo ka tirsan degmada Kamukunji ee magaalada Nairobi, ayaa shalay waxaa lagu qabtay munaasabad ay ka qeyb galeen masuuliyiinta sare ee xaafadaas, oo ku saabsaneyd xuska sanad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay markii weerarka lagu qaaday xarunta Westgate ee magaalada Nairobi iyo waliba munaasabadda maalinta nabadda adduunka oo shalay ku beegneyd.

Munaasabada oo ka dhacday dugsiga hoose ee Islii “Eastleigh Primary School”, ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanka laga soo doortay degmada Kamukunji Mudane Yuusuf Xasan Cabdi, Marwo Jawaahir Maxamed oo ah wakiilka golaha deegaanka ee galbeedka xaafadda Islii iyo Madaxda ciidamada ammaanka degmadaas, islamarkaana waxa socod lagu maray qaar ka mid ah waddooyinka xaafadaas dhex mara.

Yuusuf Xasan, ayaa hadal uu ka jeediyay madashaas wuxuu ku sheegay in ay aad uga xun yihiin weerarkii lagu qaaday xarunta Westgate labo sano ka hor iyo weeraro kale oo ka dhacay Kenya. Wuxuuna intaas ku daray in dadka dhibaatooyinkaas geystaa ay yihiin kuwa aanan cidna u naxeynin.

Xildhibaanka, ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Kamukunji in ay mar walba ka shaqeeyaan ammaanka, ayna la kaashadaan ciidamada amniga hadii ay arkaan cid ay ka shikiyaan.

Shalay, ayaa sidoo kale waxaa dib loo furay xaruntii ganacsiga Westgate mudo labo sano kadib ah, waxaana dib u furitaanka xaruntaas xaflad loogu tala galay oo lagu qabtay gudaha Westgate laga shiday  67 Shumac oo loogu baroor diiqaayay dadkii halkaas ku geeriyooday.

Inkastoo amniga si weyn loo adkeyay shacabkana loo ogolaaday shalay iney ka dukaamaystaan xaruntaas, hadana saxaafadda Kenya ayaa sheegtay in dad badan ayna tagin goobtaas sababo la xiriiro xasuustii ay soo martay iyo cabsi ay qabeen.

Dhanka kale wadanka Kenya, ayaa waxaa bisha Sagaalaad ee sanadka (September) looga arkaa iney tahay bil murugo badan oo dhibaatooyin kala duwan ay Kenya ka dhaceen.

Waxaana ka mid ah dhacdooyinka ay fikradaha xun ka qaadeen dadka Kenyaanka ah, kuwa dhacay sanadihii aynu soo dhaafnay oo dad badan ay ku geeriyoodeen.

12, September, 2011; Dab ka kacay dhuumaha Shidaalka ee mara xaafadda isku raranka Siinaay ee magaalada Nairobi, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 100 qof halka in ka badan 116 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.

21-  September – 2013; Waxaa ka dhacay magaalada Nairobi weerar Al Shabaab ay masuuliyadiisa sheegtay oo lagu qaaday Suuqa Westgate oo ay ku dhinteen 67 qof, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen 100 qof oo kale.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories