Home“Wuxuu yidhi Burco mudaharaada, oo hadii aan idhaahdo Hargeysay mudaharaad miyuu...

“Wuxuu yidhi [Madaxweynaha] Burco mudaharaada, oo hadii aan idhaahdo Hargeysay mudaharaad miyuu joogi doonnaa?”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay fal-celinta uu ka bixiyey dhaliilaha ay siyaasiyiinta Madasha Wada-tashigu u jeediyaan Xukuumaddiisa, isaga madaxweyne si gaar ah bulshada ugu baaqay bannaan-baxyo ka dhan siyaasiyiinta madasha Wada-tashiga.

Madaxweyne Siilaanyo oo dhawaan socdaal ku marayey gobollada Bari ee dalka, ayaa kulan uu la qaatay Odayaasha iyo waxgaradka Togdheer, waxa uu ugu baaqay bulshada inay ka yimaaddaan iska markaana ku mudaharaadaan Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga oo uu ku tilmaamay inay dalka ka abuurayaan Qas iyo jaha-wareer.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisani daba-socday baaqaas madaxweyne Siilaanyo ku duray Madasha Wada-tashiga, ayaa sidaas ku sheegay hadal uu ka jeediyey munaasibad qalin-jabin ahayd oo uu maanta ka qayb-galay, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Dowlada Axmed Siilaanyo waxay heshay jaanisyo aanay madaxdii hore helin oo ahayd saddex sannadood oo ahayd Car la hadla…Car la hadla. Aniga doorashadii uu iga helay waxay ahayd Odayga yaan maanta la dirin ee igamuu nidaam wanaagsanayn, oo waanu la shaqaynay, waxaan idhi odaygaasi haddii uu fashilmo Somaliland oo dhan-baa fashilimi doontee ka giijiya.”

FAYSAL-NEWONEFaysal Cali Waraabe waxa uu ka hadlay murannada siyaasadeed ee ka taagan dhismaha siyaasiyiinta Madasha wada-tashiga iyo asbaabaha dhaliyey inay ku mucaaradaan xukuumadda, waxaanu yidhi, “Waxaan arkay dalkeeniyoo saddexdii sanadood halka aynu ka soconay hoos uga dhacaya, waxaanu nidhi waar aynu isku nimaadno oo aynu talo-qabsanno oo waxa inaga xun aynu saxno, balse waxa la yidhi Faysal shir-beeleed-buu rabaa, kaligay ayaa lay eryaday, markii kaligay lay eryaday ayaan nimankii mujaahidiinta ahaa oo iska fadh-fadhiya u waramay oo aan idhi waxaasaa jira, markaasa la yidhi aynu gurmano. Immika madaxweynaha waxaad weydiisan waxan ilaa Burco ku eryey ee tolaayeey ka yeedhsiiyey ee MADASHA qabtay. Odayaashani maxay rabaan waar waa aynu tashano oo aynu waxeena ka hadalno, ma ceebaa? Kadh-kadhyadii markii uu ka baxay ayuu Xaaji Cabdi kolba meel gaynayaa odayga maa la sidii? Waar Xaaji Cabdi iyo Caaqil yar iyo waxaas maahee, inagay wax inaga dhexeeyeen oo siyaasiyiin ahe, talada miiska ha loo soo dhigo, wax-baa inaga xune, waxeena aynu hagaajisano. Wuxuu yidhi Burco mudaharaada, oo hadii aan idhaahdo Hargeysay mudaharaad miyuu joogi doonnaa?”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories