HomeWuxuu Soo Gaadhey Xidhashada Dharkii Dugsiga Sare – W/Q: Ceelaabe

Wuxuu Soo Gaadhey Xidhashada Dharkii Dugsiga Sare – W/Q: Ceelaabe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xidhashada Dharka Balcada loo Yaqaano ee Dugsiyada lagu dhigto Ayaa Ardey badan Xiiso  u leh in ay Xidhaan,Waalidiin badana Kharash iyo Lacagi kaga baxdaa Inkasta oo ay ku faraxsan yihiin Hadba Dharka Ubadkoodu qaato oo Muujinaya Kaalinta Ay  waxbarashada kaga Jiraan ama Marayaan.Waa Markii Labaad ee aan Qoraal ka Sameeyo Mawduuc noocani oo kale ah,Qeybtii Hore ee isla Maqaalkan oo hore idin soo gaadhey Ayaa aheyd ” Dharkii Dugsiga”.

Warbixin La xidhiidhey Saameynta uu Waxbarashada,Dugsiga iyo Guud ahaan Ardeyda u leeyahay qaadashada Direys isku Mid ah Ayaa iftiimisey Waxtar badan hase ahaate Dhinaca kalena lagu sheegay in Ardey badani wakhtigan ka Niyad jabeen xidhashada Dharka dugsiga,iyaga oo ka Jeclaan lahaa in loo daayo Dharkooda kale si ay maalin kasta ugu Yimadaan hadba Lebiska cajibaya ee ay la dhex Tagayaan Dhalinyarta ay isku ayniga yihiin waxna wada Dhigtaan.Waxa aynu Direyska u sameyney in la ogaado cid kasta oo isku Fasal ama sannado Mareysa iyo aynu ku Sino Ardeyda ka kala imaneysa Guryaha kala nolosha duwan oo ay qaarkood Awood u leeyihiin in ay soo Xidhaan Dharka ugu qaalisan oo Niyad jab ku ridi kara kuwo kale oo badan.

Waxaaan  Arkaa ilaalinta uu siiyo Direyska dugsiga Wiil aanu Walaalo nahay oo Inta badan Meydhid iyo Qurxinta Kaawiyada dabka kula Mashquulsan.Waa Shaadh cad iyo Surwaal Madow oo Dugsi sare ah oo maaha Dhar badan ama kale haddana Waxa ay leeyihiin ilaalin iyo ka warheyn Joogto ah.Waxaanan ku Xasuusta Berigii aan anigu Halkiisan oo kale Maraayey iyo sida ay Anigaba iigu weyneyd in aan ku faano ama ilaashado Hadba dharka aan dugsiga ku tagi Jirey.

Ardeyda somaliland haddii intooda badan la weydiiyo in Dugsiga Dharka lagu tago iyo in la iska Daayo,Kuwo aad u badan Ayaa u codeyn lahaa in Dharkaasi laga saaro Meesha.Waxaana Arintaasi kuu cadeynaya in Dugsiyo badan Subaxii tiro badan oo Ardey ah lagu saaro ama reebo iyaga oo aan wadan Dharkii Dugsiga ama ogaan uga yimi,Kuwo kalena marka la rawaxo Ayey bac iskaga ridaan ama meel sii Dhigtaan.Qof Dharkii waxbarashada ka xishoonaya,haddana raba in uu ku guuleysto Mustaqbalka waxbarashadiisa bal aan is weydiino.

Shaadhka cad iyo Surwaalka Madow,waa Dhar ku xusan Taariikhda Dharka la xidho,Mar waa Qurux iyo Xarago oo Suudhka Ayey raacaan,Marna waa Heybadii waxbarashada ee dugsiyada intooda badan,Qof aan laheyn ama soo xidhan Shaadh cad iyo Surwaal madow oo wax soo bartey Ayaa iska yar.Shaadh cad iyo Surwaal Madow Xitaa shaqada Ayey lebis iyo qurux u noqdeen oo meelo badan sida Hudheelada Ayaa shaqaalahoodu xidhan yihiin.Waa Dharkii Nolosha ugu Magaca weynaa Marka laga tago Magaca suudh oo ay xitaa iyagu qeyb ka yihiin.

Haddii beryaha qaar aanu kaa soo hor bixi Jirin qof xidhan Dhar waxbarasho,Maanta Guri kasta,Seked kasta iyo wado kasta waxa taagan Ardey iyo barbaar quruxsan oo loogu soo lebisey Dharkii Astaanta dugsigooda iyo Fasalka ay Marayaan intaba.Waa wada Dhar,Waa wada bas,waa wada Ardey wax baraneysa iyo Dugsiyo badan.

Diyaar garow aad u badan oo la xidhiidha in Sannad dugsiyeed cusub la furo Ayaa wakhtigan si xoogan u socda,ka dib Imtixaano,Fasaxyo,Ramadaan,Ciido iyo Xaflado ka dib  waxa furmaya goobihii waxbarashada.Ardeygiina wuxuu Mar kale Diyaarsanayaa Direys cusub iyo Agabkii waxbarashada ee kale.

Markii Dugsiyadii hoose/dhexe/Sare ay bateen,Markii barbaartii soo kaceysey Ay badatey,Marka inta wax baraneysaa ay tiro xoogan noqotey waxa batey Noocyada Direyska la qaadanaayo ama la xidho.Midab kasta Ayaa la xidhey,Nooc kasta Ayaa direys laga Dhigtey,Madow,Cadaan,Akhtar,Huruud,Buluug  iwm.Madarasad Quraan Kasta Ayaa sameysatey Astaan dhar oo u gaar ah.Midab Ayaa tiro beelay.Waxaase Weli si weyn ugu Jira in Xidhashada Shaadh cad iyo Surwaal Madow ama Midab madow uu si weyn ugu Jiro Dhamaantood.Direys Haweenka iyo Hablaha ah iyo Mid inamada iyo Raga ah Ayaana la kala sameeyey.

Waxa mar kale Qoraalkan igu Dhaliyey aniga oo Arkey suuqa meel aan Maraayey Hooyo Wiilkeedii yaraa u iibineysa Dharkii Direyska dugsiga Nin dhar tolan oo Diyaar ah iibinaayey,Waxaan sii Arkaayey iyada oo ku qiyaaseysa Dharka midabada Malcaamadaha oo uu ku faraxsanaa,Inkasta oo uu meel hoose waxbarashada kaga jiro haddana wuxu ku faraxsan yahay in uu xidhan yahay Shaadh Cad oo ah mid ilaa Heerka Shaqo caalami ah la xidho ama lagu tagi karo.Balcad………Dharkii Dugsiga.

Abdifataah Mohamed Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories