HomeWuu Bogsan Karaa! - W/Q: Khadar Gureyte

Wuu Bogsan Karaa! – W/Q: Khadar Gureyte

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Khadar hadeerMar walba waa sidan xaalkiisu, marka aad aragto qalbiga ayaa ku damqanaya, intaa waa uu socanayaa, milicda iyo kulaylaha dhacayaana cagahiisa cagaagan la wahel ayey noqdeen, haddana ma yaqaano meel uu u socdo, mana yaqaano hoy uu ka galo kulaylaha iyo dhaxamaha naftiisa daciifiyey, habeen iyo maalinba dibadaha ayuu wareega, ma nasto, ma daalo, mana damqado.​​

Maaha qof hu’ leh, dhar xumaantiisa ayaa mar walba u sabab ah in caruurta iyo haweenkuba ay ka cararaan marka ay meel ka soo arkaan, sida oo kalena caado ayey ka dhigteen in ay ugu yeedhaan magacyo xun xun oo abid maqalkooda uu ugu neceb yahay, dhagaxa iyo waxyaabaha kale ee lagu shiidayaana waa kuwo iyaguna mar walba ay naftiisa silica iyo darxumadu ka muuqataa ay daris la noqotay, had iyo jeerna caruurta ku wooda u waaweyn ee malaha fara laga qaadka ah ayaa sidan u tuur tuura, isna caruur iyo dheeshood kama il-baxee marka uu arkaba waa uu eryadaa, qaarkoodna dhaawac ayaaba uu gaadhsiiyaa.

Naftiisa uma roona, cidina uma diir naxdo, marka ay gaajo meelaha  ku soo daashato ayuu isaga oo uskaga iyo dhareerkuba ka da’ayaan cid aan u roonayn gacmaha hoos roorsadaa, iyaguna way ku silciyaan, intooda wax siinaysa mooyaanee inta kalena magacyadii xum xumaa ee uu aduunka ugu necbaa maqli taankooda ayey ugu yeedhaan, isaguna isaga oo caytamaaya mar marka qaarna hadalo lid ku ah diinteena suuban iyo nabigeena sharafta leh ayuu si aan niyad ahayn uu u qaata waxii la siiyo, qaarkoodna waxa dhacda in marka sidaa cuntada loo siiyo iyaga oo baahi xooga u qaba haddana ay daadiyaan ama ay ciida ku walaaqaan iyaga oo diidaya hadalada xun ee lagu leeyahay awgeed.

Haa ehel iyo qaraababa waa uu leeyahay, adiga ayaa kow ka ah, hase ahaatee waalidkiisa iyo cida ugu dhawi waxa ay ugu taag heli waayeen jiif iyo joogba, kamana quustaan, se dadka iyaga ayaaba uu ugu neceb yahay, waa kuwan kuwii ifalay, waa kuwan kuwii i xidhi jiray, waa kuwan kuwii ifka iigu necbaa iyo hadalo kale ayuu mar walba ku hadaaqaa. marka uu aragooda arkana  meelo meelo ayuu ka siigeeyaa.

Waa hebel iyo heblaayo adiga oo kale ah, waa walaalka oo kale, noloshan darxumada iyo silica ah ee uu ku nool yahay Alleh ayaa u qadaray, hase yeeshee Allaahay-na adoomahiisa ayaa uu ku eegayaa sida ay ula dhaqmaan, se iska daa wax la taro ee magaciisa maalinta uu xanuunkani ku dhaco ayaa la illaawa, qofka ugu roonina waa ka ugu yeedha ninka Waalan iyo naagta Waalan, ka kalena haba sheegin, tag, bax iyo hadalo kale oo iyagana ay bulshadu ula baxday oo maqli taankooda uu neceb yahay ayaa  loogu yeedha.

Aduunyada dadka noocan oo kale ah waa la xanaaneeya, waa xanuun kaliya u baahan in qofka la dajiyo, naftiisana la nasiyo, loona muujiyo dareen kal gacayl , la dareen siiyo in uu bogsan karo, marba marka ka danbaysana loo muujiyo in uu sidii hore ka soo reeyey.

Waa muhiim in la badiyo goobaha caafimaadka ee noocan oo kale ah, aduunyadana laga barto qaababka ugu haboon ee loola dhaqmo dadka xanuunada maskaxeed ee noocan oo kale ah ay haleelaan sidii loo bad baadin lahaa, rajo filasho oo aad u wacan ayey dad badan oo ehelkooda ah oo maarayn iyo taag-ba u waayey ay ka qabi lahaayeen, hooyana kama ay samrin wiilkeedii curad oo isaga oo cawradiisii ay muuqato suuqyada dhex sabaynaaya, qaarkoodna gawaadhidu ay ku jiidhayso laamiyada cad cad, hooyo walba waa ay ku farxi lahayd haddii ay arragto wiilkeedii oo xiskiisii dib ugu soo laabtay, bulshada uu ku dhex nool yahayna wax badan ayaa uu tari lahaa haddii mar uun uu xiskiisu u soo noqon lahaa.

Khadar Cabdi Xasan(Gureyte).

khadargurayte@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories