HomeWufuud Ujeeddooyin kala duwan u socda oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey...

Wufuud Ujeeddooyin kala duwan u socda oo si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Ceerigaabo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ceerigaabo (SLpost)- Maayarada Toban degmo oo ka mid ah dalka Somaliland ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalo madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, iyadoo maalinta beri uu shir uga furmayo magaaladaasi Ururka dawladaha Hoose ee wadanka. waxa kale oo iyana isku mar la soo wada dhaweeyay wefti kale oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami.

ceerigaabo_BanaanbaxSida uu ku soo warramay Weriye Maxamuud Maxamed Xasan Saraaf, waxa weftiga Maayarrada si diiran ugu soo dhaweeyay Ceerigaabo shacbiweynaha, maamulka degmadda, Golaha deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda.

Maayarrada oo uu hoggaaminayo Duqa Caasimadda Hargeysa C/Raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), waxa xubno ka ah Maayarrada Magaalooyinka Saylac, Boorame, Gabiley, Hargeysa, Berbera, Burco, Sheekh iyo Laascaanood.

Waxa kale  oo iyagana weftigan  Maayarrada weheliyay oo si wada jir ah loo soo dhaweeyay wefti Wasiirro ah oo u socda sidii ay bulshada gobolka ugu barraarujin lahaayeen sidii dhaqaale loogu ururin lahaa jidka Ceerigaabo. Waxa weftigan hoggaaminayay Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, waxaana xubno ka ah Wasiirul dawlaha Maaliyadda  Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) iyo Guddoomiye Ku xigeenka saddexaad ee KULMIYE Xildhibaan C/Raxmaan Maxamed Talyanle.

Duqa Caasimadda Hargeysa C/Raxmaan Maxamuud Caydiid oo ku hadlayay magaca Maayarrada dalka ee socdaalka ku tagay Ceerigaabo ayaa sheegay inay shacbiga degmadda iyo guud ahaanba gobolka Sanaag uga mahad celinayaan sida diirran ee loogu soo dhaweeyay gobolka Sanaag, waxaanu ka warramay shir uu xusay in uu maalinta beri uga furmayo magaaladda Ceerigaabo oo ku saabsan sidii dawladdaha Hoose ee magaalooyinka dalku iskaga kaashan lahaayeen wax-qabadka adeegyadda bulshada iskuguna dhaafsan lahaayeen wixii waayo arragnimo ah ee ay is dheer yihiin.

Cabdiraxmaan Soltelco waxa uu sheegay in weftigii uu Hoggaaminayay ay si weyn uga damqadeen dhibaatada dadweynaha gobolka Sanaag ka haysata jidka rafaadka badan, waxaanu balan qaaday in ururka dawladaha Hoose ee dalku ay kaalin ka qaadan doonaan hirgelinta jidka isku xidha Ceerigaabo iyo Burco oo dhererkiisa lagu qadaray masaafo dhan 370 kilometer.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories