HomeWoqooyiga Kuuriya oo Maraykanka ugu Hanjabtay Hub Nukliyeer ah oo ay Tijaabinayso

Woqooyiga Kuuriya oo Maraykanka ugu Hanjabtay Hub Nukliyeer ah oo ay Tijaabinayso

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Pyongyang (SLpost)- Dalka Woqooyiga Kuuriya, ayaa dabooka ka qaaday inay tijaabaniyaan gantaalada xambaara Hubka Nukliyeerka ah oo ay ugu hanjabeen inay la beegsanayaan Maraykanka, taas oo cirka ku sii shareeraysa halista ay ku hayso waddan ay u yaaqaan cadowgooda koowaad.

Shaacinta warkan oo uu shalay ku dhawaaqay sarkaal sare oo ka tirsan milatariga dalkaas, ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib qaraar markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isku raacay qaraar uu Maraykanku dabada ka riixayo, kaas oo lagu cambaareynayo, cuno-qabatayna lagu saarayo gantaallo tijaabo ah oo Woqooyi Kuuriya hawada sare ku tijaabisay Bishii December ee sannadkii hore, taas oo sida la sheegay meel-ka-dhac ku ah Shuruucda Qaramada Midoobay.

North Korea Nukliyeer“Lama gabbanayno xaqiiqada ka dambaysa Dayax-gacmeedyada kala duwan, gantaalaha riddada dheer ee aanu tijaabinayno iyo tijaabada hubka nukliyeerka ah, inuu bartilmaameedkoodu yahay Maraykanka,” sidaa waxa yidhi sarkaal sare oo ka tirsan Golaha Difaaca Dalka Woqooyiga Kuuriya, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee KCNA.

Koonfurta Kuuriya iyo dalal kale oo dusha kala socda Xaaladaha Dalka Woqooyiga Kuuriya, ayaa aaminsan in WK farsamo ahaan diyaar u tahay inay mar saddexaad tijaabiyaan Hub Nukliyeer ah, waxaana la filayaa in go’aan tallaabada lagu qaadayo uu salka ku hayo amarka hoggaamiyaha dalkaas ee Kim Jong-un oo isagu ka dambeeyey go’aankii bishii December ee sannadkii hore lagu tijaabiyey gantaalihii lagaga soo horjeeday cunaqabataynta Qaramada Midoobay.

Dal-weynaha Shiinaha oo ah dalka ugu muhiimsan ee cilaaqaadka leh Woqooyiga Kuuriya, ayaa taageeray qaraarka Golaha Ammaanka ee Maraykanku dabada ka riixayo, waxaanu hore u taageeray qaraaradii QM ee 2006 iyo 2009 oo ahayd labadii jeer ee xukuumadda Pyongyang hore u tijaabisay hubkeeda Nukliyeerka.

Dalka Woqooyiga Kuuriya ayaa la qiyaasaa inuu haysto madaxyada Hubka Nukliyeerka ee ku gaashaaman wejiga koowaad ee Horumarinta Hubkaas ee Macdanta Plutonium, waxaana warar sirdoonku helayaan sheegayaan inay ku gudo-jirto tayaynta Macdanta Uranium si ay ugu sii horumariso hubkeeda Nukliyeerka tallaabada ugu dambaysa, waxaana la filayaa inay sannadka 2016 yeelan doonan inta u dhaxaysa 21-32 madaxda Xambaara Hubka Nukliyeerka ee ku tayaysan Macdanta Uranium-ka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories