HomeWoqooyiga Dalka Ciraaq oo Gacanta u galay Xoogagga Islaamiga ah ee ISIL...

Woqooyiga Dalka Ciraaq oo Gacanta u galay Xoogagga Islaamiga ah ee ISIL oo Kaabiga u Saaran Caasimadda Baqdaad (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Kirkuk (SLpost)- Xoogagga Islaamiga ah ee Dagaalka ka wada dalka Ciraaq oo maalmihii u dambeeyey la wareegay gacan-ku-haynta magaalooyin waaweyn ee dalkaas, ayaa kaabiga u saaran caasimadda dalkaas ee Baqdaad oo laga cabsi qabo inay gacanta u gasho Kooxda ISIL.

CIRAAQ (3)Xogaggan oo lagu magacaabo ISIL (Islamic State in Iraq and the Levant) oo warbaahinta dunidu si weyn u hadal-hayso isla markaana lala yaabay guulaha ay gaadheen dagaalada ay kula jiraan ciidamada Ciraaq, ayaa laba maalmood ka hor la wareegay Magaalada Mosil, waxaanay shalayna qabsadeen magaalada Weyn shidaalka qaniga ku ah ee Tikrit oo ah goobtii uu ku dhashay Madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddam Hussein.

Kooxdani waxa ay isla maanta qabsadeen magaalada Samara oo u dhaxeysa Tikriit iyo Baqdaad, waxaanay wakhtigan kaabiga u saaran yihiin caasimadda Ciraaq.

Magaalada Sammara ayaa ah goobta uu ku dhashay hogaamiyaha kooxda ISIL oo lagu sheegay in aad u maskax badan oo xidhiidh la leh kooxaha Al-qaaacida.

Sammara ayaa 2 saac oo kaliya u jirta magaalada caasimada ah ee Baqdaad,Kooxda ISIL ayaa hore usoo qabsatay magaalooyinka Fallujah iyo Ramadi ee gobalka Anbar.

CIRAAQ (2)Kooxda ISIL ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin magaalada Caasimada ah ee Baqdaad, xili dowlada aanay weli jawaab militari ka bixin guulihii kooxdan maalmihii lasoo dhaafay ka gaadheen dagaaladii ka socday Woqooyiga Ciraaq oo hadda ka baxay faraha dowlada reysal-wasaare Nuuri Maliki.

Raysalwasaare Maliki ayaa sheegay in abaabulayaan ciidamada Militariga iyo Booliiska oo uu sheegay inay ka awood badan yihiin kooxda ISIL, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay shacabka inay la dagaalamaan kooxdaasi.

In badan oo kamid ah ciidamada Ciraaq ayaa hubkoodii iyo gaadiidkoodii ka cararay xiligii ay xoogaga ISIL la wareegayeen magaalada Mosul.

CIRAAQ (1)Waddamada Reer Galbeedka ayaa walaac weyn ka qaba weerarrada kooxda ISIL kula wareegtay dhul baaxadbadan oo isku xidhaya Waqooyiga dalalka Siiriya iyo Ciraaq, kooxdan ayaa hada gacanta ku heysa dhul aad u weyn.

“Britain Mar kale kuma celin doono khaladkii aanu hore u galnay ee duullaankii aanu ciidamadayada ku gelinnay Ciraaq,” sidaa waxa yidhi reysal-wasaare ku-xigeenka dalka Ingiriiska Clegg oo ka hadlayey saamaynta ay kooxda ISIL ku yeelatay deggenaanshaha Ciraaq.

Sidoo kale, Dowlada Maraykanka oo hore u sheegtay inaanay faraha la geli doonin dagaalka ka socda, balse waxa filayaa inuu jiro qorshe ay ku abaabulayaan fadhi deg-deg ah oo Golaha Ammaaku arrintan ka yeesho.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories