HomeWixii La Qoraa Quluubta Galee, Iibsada Buugaagta Qoran! - W/Q: Cabdishakuur X....

Wixii La Qoraa Quluubta Galee, Iibsada Buugaagta Qoran! – W/Q: Cabdishakuur X. Muxumed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankBulshada meel ku wada nool qof-ba wax-buu ku fiican yahay, oo dadku isku karti, isku qoon, garasho, fikir iyo isku hal-abuurnimo maaha. Waa sunnaha beni’aadamka in qof waliba wax ku fiicnaado, si meertada iyo hab-nololeedka bulshadu u ahaato mid dheelli tiran oo isla jaan-qaadaya.

Qoraanimadu waa mid ka mid ah hawlaha ugu culus ee ay qabtaan qayb ka mid ah bulshadu. Waa wax-qabad aad u miisaan culus oo ka dhasha hal-abuurnimada-maskaxeed ee gaamurtay ee qofka. Waa karti kaashanaysa aqoon, haddana gabbaadsanaysa garasho xeel-dheer, haddana weheshanaysa fikir iyo hal-abuurnimo xooggan, haddana la barbaartay dadaal joogto ah iyo la qabsi cuddoon oo aad u fac-weyn.

Marka uu qof ku guda-jiro marxaladda qoraannimada, waxuu dhex muquurtaa gudashada iyo ka midho-dhalinta hawl uu ilaahay uun og yahay culayska iyo dhibaatada ay leedahay.

Haddii aynu si toos ah u guda-galno nuxurka qormadeenan, waa mid ka dhalatay cago-jiidka iyo danayn la’aan ay dad badani ku si foobeen. Maxaa yeelay, muddooyinkii ugu dambeeyey waxa soo ifbaxaysa in dadka afka soomaaliga ku hadlaa aanay si gaar ah isaga xil-saarin iibsiga buuggaagta ku qoran afka soomaaliga ee ay qoraan qoraayaasha soomaalidu. Waana arrin dhabar-jab iyo niyad jabba ku ah dadaalkii xoogganaa ee qofkaasi u galay inuu buug ku qoro.

Maskaxda ku haya, si aanu u qasaarin tacabka qoraayaasheenu isla markaana aanay u lumin muhiimadda ku duuggan buugaga qiimaha badan ee la qorayaa, waa in bulshadu laba mid uun noqotaa; qayb wax qorta iyo qayb iibsata waxa la qoro. Haddii sidaasi timaado waxa hubaal ah qoraalka iyo qoraayaashuba inay tayo yeelan doonaan, isla mar ahaantaana la heli doono suuqyo suurtageliya iibsiga buuggaagta.

Sannad kasta waxa la daabacaa oo soo baxa buugaag cusub o nooc kasta isugu jira, kuwaas oo dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba lagu qoro iyadoo muddooyin kan u danbeeyey uu soo badanayo buugagta afka soomaaliga ku qoran. Tallaabadan oo guul u ah dadka ku hadlay afka soomaaliga meel kasta oo ay adduunka joogaa.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare]

cabdiheersare01@hotmail.com,

heersare2009@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories