Home"Wixii Aynu Isku Af-garano Ee Aynu Ku Heshiino Ayaa Ugu Muhiimsan, Beesha...

“Wixii Aynu Isku Af-garano Ee Aynu Ku Heshiino Ayaa Ugu Muhiimsan, Beesha Caalamku Wadanka Inalama Lahee…” Cabdilaahi Geeljire

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Kalluumaysiga iyo Warfaafinta Cabdilaahi Jaamac  Jaamac Cismaan (Geeljire), ayaa ka hadlay heshiiskii Xisbiyada Qaranka, Komishanka iyo Xukuumaddu ka gaadheen dib u dhaca Doorashada, duruufta abaareed ee keentay in todoba bilood dib loo dhigo Doorashada,  aragtida Beesha Caalamka, iyo waxa laga filan karo Golaha Guurtida.

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Kalluumaysiga iyo Warfaafinta Cabdilaahi Geeljire, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa sidoo kale ka hadlay maceeshada, fariina u diray Ganacstada dalka, waxaanu ugu horeyn isagoo ka hadlaya mawqifka Beesha Caalamka uu yidhi “Wixii aynu isku af garano ee aynu ku heshiino ayaa ugu muhiimsan, Beesha Caalamku, Wadanka inalama lahee, ee sidii aynu dano moodno inaynu ka dhaadhicino weeye, iyaba wey arkayaan duruufta taagan, sida ay wax u dhaceen iyo abaaraha dalka ka jira, balse waxay iska neceb yihiin waxba dib loo dhigay, oo nidaamkii doorasho ee socday in la bedelo ayey diidayaan”.

Cabdilaahi Geeljire mar uu ka hadlaayey in saddexda Xisbi, Komishanka iyo Xukuumaddu isla qaatan in Doorashada dib loo dhigo muddo todoba bilood ah ayaa yidhi “Way ku heshiiyeen, oo Xisbiyada iyo Xukuumadda ayaa inooga wakiil ah, Somaliduna waxay tidhaahdan wax Rag ama dad isku og yahay ma qudhmuuna, oo dadkii tartamayey haddii ay wax ku heshiiyeen, oo meel wax isla dhigeen, inkasta oo Madaxweynuhu lahaa wakhtigeedii ha lagu qabto Doorashada haddana  Madaxweynuhu wuu ku taageeray, Komishankiina wuu ku taageeray, waana si fiican”.

Cabdilaahi Geeljire mar aanu wax ka weydiinay wararka soo baxaya ee sheegaya inay Guurtidu muddo ka badan todobada bilood inay wado iyo waxa laga filan karo ayaa ku jawaabay “Dastuurku Guurtida ayuu siiyey xaalada qiimaynta, qaybtan hore waxay ahayd sharciyadii hore ee taalay sidii wax looga odhan lahaa,  Guurtiduna inaga ayey inaga mid yihiin, oo dadka ayey ka mid yihiin, markaas marka ay qiimeeyaan waxaynu Guurti uga dhiganay, kana odayeeyaan xaalada jirta, weyna og yihiin dareenka Xisbiyada, oo Xisbiyadu iyo Xukuumaddu waa kuwaas muddo ku heshiiyey, markaas taasna wey arkayaan, xaaladana wey qiimeeynayaan, markaas siday dan u garkaana wey yeeli doonaan”

Cabdilaahi Geeljire mar uu ka hadlaayey Sicir bararka, qiimaha sarifka ee is bedelay iyo maceeshada ayaa yidhi “Ganacstadu umaddeena ayey ka mid yihin, sidaynu uga naxayno dadkeena, ayey iyana uga naxayaan, dadkuna uu iska dhibaataysan yahay, oo wuu iska abaaraysan yahay ee waxay umadda uga qaban karaan oo hor ILLAAHAY iyo hor bilaa’adanimo labada ha u qabtaan,oo macaash dookan yaanay ka fikirin ee duruufta kale ee taagan  eegaan, sidaas ayaa iyaga if iyo aakhiraba u khayr roon”.

 

 

Somaliladpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories