HomeWikileaks Waxay Fashileen Garaadka Siyaasiyiinta Somaliland

Wikileaks Waxay Fashileen Garaadka Siyaasiyiinta Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

WIKILEAKS SOMALILANDSoo ifbaxa qoraalka Wikileaks wuxuu inna tusay heerka iyo garaadka ay taagan yihiin siyaasiyiinteennu, waxay inna tustay miisaanka ay leeyihiin madaxda inna xukunta iyo kuwa kursiga doonaya ee uu ugu horreeyo Guddoomiye Cirro oo aan u haysanay Diplomaasi siyaasi ah.

Waraaqdani waxay inna tustay sida aynu uga arradanahay Chanels-ka Diplomaasiyadda, sababtoo ah waxaynu ku guul daraysanay inaynu shacabkeena ka qanciyo xogta iyo muhiimadda waraaqaha noocan oo kale ah.

Waraaqda waxaa cinwaan looga dhigay “Macluumaad” taas macneheedu waa warsiin oo keliya, waxay la mid tahay wararka lagu qoro warbaahinta oo kale, haddii ay tahay sir ama macluumaan la hubiyey oo lagu talo qaadan karo waxaa la siiyaa darajooyin kale sida “Classified” “Top Secret” iwm.

Macluumaadka waraaqdan ku qorani, waxay ka hadlayaan aasaaska dastuurka cusub ee dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxayna ka hadlaysaa aasaaska golaha baarlamaanka oo la leeyahay waxaa ku heshiiyey dawladda Somalia, Puntland iyo Somaliland iyo weliba Kooxaha kale ee siyaasadda Soomaaliya ku lug leh, waxayna dhinacyadaasi ku heshiiyeen in la aasaaso gole Baarlamaan oo ka kooban laba aqal.

Nuxurka waraaqdu waa intaas, haddaba ka soo qaad waraaqdaas oo runa, laakiin waxaad isweydiisaan innagu ma waxaynu u talinaa Sucuudiga? Waayo safaaradda Sucuudiga ayaa war ka dirtay saafaradeeda Somaaliya qaabilsan ee ku taalla Djibouti, waxayna u direen Wasaaraddooda Arrimaha Debedda.

Warka ay safaaraddu dirayso waa laba weji, wejiga koowaad oo ah, waxay waafajiyaan danohooda siyaasiga ah iyo waxa ay Soomaaliya la jecel yihiin, haddii Sucuudigu sidan Jecel yahay dee maaha inaynu isu cadhoono ee waa inaynu Sucuudiga u cadhoono.

Qodobka labaad Sucuudigu wuxuu warka ka qaataa Xamar oo ah dawladda la aqoonsan yahay, Xamarna waxaynu ognahay inay habeen iyo maalin la soo taagan yihiin “Somaliland annagaa maamulna” inay la soo taagan yihiin “Baarlamaanka Somalia dad reer Somaliland ah ayaa ku jira” inay xattaa wadahadaladii u burbureen shakhsiyaad u dhashay Somaliland oo ay shaqaalaysteen oo ay doonayeen inay inna soo horfadhiisiyaan, markaa adigu ma waxaad ka filaysaa in Soomaaliya ay tidhaahdo Somaliland kama mid aha dawladda Federaalka ah? Ma waxaad filaysaa warka Xamar laga dirayo ee Sucuudiga loo dirayo in lagu odhanayo Somaliland kuma jirto Baarlamaanka Federaalka?

Horta maaha in lagu wareero waraaqdan yar, haddii xukuumaddu Federaal qaadatay iyo haddii kale, caddaymo hala raadiyo, ma aha dembi fudude halagu qaado Khiyaamo Qaran. Laakiin waraaqdan Wikileaks waxay daaha ka fayday inaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro aanu ahayn Diplomaasi hase ahaatee uu ku fashilmay inuu kala qeexo arrimaha dawladda lagu eedayn karo iyo kuwa kale.

Mudane Cirro wuu ogsoon yahay haddii Diplomaasi yahay waraaq safaaradi u dirtay Wasaaradeeda oo weliba sidata Titleka “Macluumaad” inaanay ahayn wax sugan oo dawladi ay ku go’aan qaadan karto, laakiin ay tahay warar la ururiyey oo loogu talo galay in dalku la socdo xaaladda ka dhacaysa dalkaas.

Sidoo kale waxaa fashilmay dawladdeena oo halkii ay qeexi lahaayeen aqoon darrada haysata siyaasiyiinta mucaaradka waxay Iyana u dhaqaaqeen is cambaarayn, taasina waxay inna tusaysaa in garaadka mucaaradka iyo xukuumadduba aanu wax badna is dhaamin.

 

Maxamed Daahir Geeljire

Ohio, Columbus USA.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories