HomeWikileaks oo baahisay qorshe lagu afgambiyi lahaa Somaliland iyo Puntland

Wikileaks oo baahisay qorshe lagu afgambiyi lahaa Somaliland iyo Puntland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeisa(SLpost)-Warbixin ay soo daabacday shabakada wax kashifta ee WikiLeaks bishan ayaa lagu sheegay in ururkii Maxaakiimta Islaamiga ah ay qorsheynayeen in ay afgambiyaan  dawlada Somaliland iyo Maamulka Puntland ka hor inta aanay ciidamada Ethiopia burburin ururkan sanadkii 2006.

 

Sida ay shabakadan daabacday mid kamid ah hogaamiyaashii Maxkamadaha Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa qoraal sir ah oo uu ugu direy email dhammaan hogaamiyaashii ururkaas, waxa uu ku sheegay in loo baahan yahay in ciidamadoodu ay si qarsoodi ah ugu biiraan  askarta Somaliland iyo maamulka Puntland taasoo marka dambe suurtogelin karta in la afgambiyo labadaba.

 

Qoraalka Emailka ah ayaa Sheekh Aweys uu ugu sheegay hogaamiyaashii Maxkamadaha in ay muhiim tahay in wasiiro iyo mas’uuliyiin ku yeeshaan labadaba Somaliland iyo Maamulka Puntland si marka dambe loogu soo rogo ku dhaqanka shareecada Islaamka.

 

“In laga furo Maxkamado Puntland iyo Somaliland waa muhiim, waxa aan ka iibsan karnaa ciidamadooda hubka ay haystaan, waana inaan ka joojino hubka soo galaya  Somaliland iyo Puntland ee ay dawlada Soomaaliya u direyso.”ayuu  Sheekh Aways ku sheegay emailka.warbaahinta Tooshnews

 

Si loo hirgeliyo qorshahan ayaa shabakada Wikileaks waxa ay qortay in Sheekh Xasan Dahir uu ku taliyay in si dhakhso ah loo bilaabo sidii la isugu dayi lahaa in la xumeeyo xidhiidhka u dhexeeya maamulka Puntland,dawlada Somaliland iyo Ethiopia iyadoo loo marayo hogaamiyaasha qabaa’ilada.

 

“Waa inaan ka iibsano hubkooda culus annagoo lacag badan ku bixinayna.”ayaa lagu qoray email cinwaan loogaga dhigay “Sir Culus”.Qorshayaasha ka baxsan hogaamiyaasha Maxaakiimta ayaa waxaa ka mid ahaa in la aasaaso koox si gaadmo ku ugaadhsata oo ku disha madaxda Puntland iyo Somaliland.

 

Source:Toosh

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories