HomeWiil Uu Dhalay Madaxweynihii Hore Ee Somaliland (Cigaal) Oo Baaq U Diray...

Wiil Uu Dhalay Madaxweynihii Hore Ee Somaliland (Cigaal) Oo Baaq U Diray Shacbig Iyo Xukuumadda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SL.Post)  Cali Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ah wiilka ugu weyn caruurtii uu dhalay Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa baaq cabasho ah u soo diray Shacbiga Somaliland iyo Xukuumadda, isagoo ku sugan Dubai. Waxaanu yidhi “Waxan halkan kaga hadlaya maanta dhulkii Awoowgay Xaaji Ibraahim Cigaal ee Berbera, Aabahayna ka dhaxlay ee ay ku xabaalanyihiin labadaa Marxuumba oo la bililiqaystay. Waxan ummadda u sheegayaa in masuuliyiinta Dawlada hoose ee Berbera ay si takrifal ah u bililiqaysteen dhulkaa. Reer Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waa reer Qaran ah waa reer Sharaf iyo maamuusba leh, fariintanina mid aan u dirayno dhamaan Ummadda Somaliland ee Min Laascaanood ilaa Saylac ku dhaqan weeyi.

blank

 

 
Fariintani kuma socoto oo keliya reer Saaxil, hadii aan idin xasuusiyo maalintii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ka khudbadaynaayey Dacar-budhuq ee uu dadka reer Saaxil ku tilmaamay dad gob ah kuna macneeyey gobnimadu waxay tahay, waxa uu yidhi “Ciise Muuse waa dad gob ah, gobtana waa la-la noolaada, laguna dhex nooladaa” sidaasi ayuu ku macneeyey inay yihiin dadka reer saaxil, Maantana reer Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxay ka rabaan reer Saaxil inay muujiyaan gobtii uu ku tilmaamay marxuumku.

 

Anigoo ugu weyn wakhtigan qoyskii Maxamed Xaaji Ibraahim ka tegay waxan baaqaygan u dirayaa odayaalasha, cuqaasha, salaadiinta, Boqorada, Garaaddo, Ugaasyo iyo Xukuumada, oo aan ogaysiinayo inay ogaadaan, in dhulkii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal lahaa ee uu Siyaad Barre ka xidhooday inuu qaato kuna daro xeradii meleteriga ee uu markaa sameeyey una dhawayd qabriga Marxuumka, sababtuna ay ahayd inuu ogaa in dhulkaa Xaaji Ibraahim Cigaal inuu lahaa kuna dhintay, xabaashiisiina noqotay 1957kii, dhulkaa waxa loo yaqaana saabyanka magacana waxa uu kula baxay talyaaniga ayey u ahayd xero meleteri dagaalkii labaad ee aduunka.

 

Hadaba maanta inay masuuliyiintii Saaxil ay bililiqaystaan waa ayaan daro, wax aanu ka filaynayna maaha, waxaan ka rajaynayaa dadka reer Saaxil ee xaqdaradaa arkayaa inay wax ka qabtaan, waxa kale oo aan qaranka Somaliland ka codsanayaa in ay dhinacooda si degdeg ah wax uga qabtaan, reer Somalilandna ay indho gaara u yeeshaan oo ay markhaati nooga ahaadaan arrintaa iyada ah. Reer Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal may mutaysan mana geyaan in dhulkii awoowgood lahaa la bililiqaysto laguna daawado xaqdaradaa.

Maalintii uu Marxuumku geeriyooday ee ka qoys ahaan aanu u mahadnaqaynay  ummaddii faraha badnayd ee sida gobanimada leh uga soo qaybgashay Aaskii Madaxweynahoodi, waxaanu nidhi hadaanu nahay qoyska Marxuum Xaaji Maxamed Ibraahim  Cigaal dhaxalka qudha ee uu nooga tegay aabahayo waa dimuqraadiyad, cadaalad ku dhisanta. Maanta qoyskii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu ka rabaa qaranka iyo Ummadda Somalilandba Caddaalad iyo inay la raadiyaan dhulkaa laga boobay qoyskii iyo caruurtii Marxuumku ka geeriyooday.

Ugu dambayn anigoo ku hadlaya magaca qoyska reer Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa aanu shacbiga reer Somaliland iyo Xukuumadaba dareensiinaynaa in Marxuum Maxamed Xaaji Cigaal uu ahaa qof ku sifoobay Cadaalad iyo inuu dhawro xuquuqda shacbigiisa uu madaxda u ahaa, sidaa awgeedna aanu maanta magan idinka nahay xaqdarada iyo xadgudubka aanu kala kulanay masuuliyiinta dawlada hoose ee saaxil dhulkii Xaaji Maxamed Ibraahim Cigaal u bixisay uguna takrifashay, ummadda Somaliland laascaanood ilaa Saylac waxa aanu ka rabna garab iyo gaashaan inay nagu siiyaan naguna garab siiyaan waxa aanu xaqa u leenahay annagoon marnaba doonayn wax aanan xaq u lahayn

Wa bilaahi Tawfiiq

Cali Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal-Dubai

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories