HomeWiil uu Abti u yahay Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka mid ahaa...

Wiil uu Abti u yahay Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka mid ahaa Raggii Weeraray Madaxtooyadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho(SLPOST)Todobaadkii hore weerarkii lagu qaaday Madaxtooyadda Shaki kuma jiro in uu ahaa mid aad looga soo Qorsheeyay, laakiin ilaa iyo hada Warbaahinta lama siin Warar Faah-faahsan, walina Xukuumaddu kama aysan Jawaabin Su’ashaa ugu Muhiimsan oo ah: Sidee bay Shabaab ku soo galeen Madaxtooyadda?

Madaxweyn_Xassan_wiil_uu_abti_u_yahay

Warar badan oo lagu kalsoonaan karo ayaa ilo badan nasoo gaadhaya wararkaa waxaa ka mid in albaabka xiga dhanka hudheelka Bulsho laga soo geliyey ragii weeraray xarunta madaxtooyada. Waxaa albaabkaasi horey u ilaalin jiray ciidamada Amisom laakiin maalmo ka hor inta aan la qaadin weerarkaa ayaa laga bedelay halkaasi waxaana lagu badan ciidamo Soomaali ah si ay ugu fududeeyaan in ay halkaasi Alshabaab uga soo galaan.

Waxaa kale oo aanu helanay warar  sheegaya in Raggii fuliyay Weerarkii Madaxtooyadda uu ku jiray Wiil ay dhashay Nuurta Shiekh oo la dhalatay Madaxweyne Xasan Shiekh Maxamuud.

Wiilkan oo uu Madaxweynuhu u ahaa Abti, ayaa wuxuu ka mid ahaa Ciidanka Illaalada (Security) Madaxweynaha oo waliba aad loogu kalsoonaa.

Wiilka Magaciisa waxaa la yidhaahdaa Maxamed Salaad, waa 24 Jir, wuxuuna u dhashay Qabiilka Baadicade (Hawiye), sidee noo sheegeen Xog-ogaalka aan ka helnay Macluumaadkaan.

Sidoo kale, Waxaa Kooxdan soo Weerartay Madaxtooyadda kamid ahaa Labo Nin oo Majeerteen ah, kuna soo biiray Al-Shabaab bilihii ugu dambeeyay iyo Wiil Isaaq ah.

Kooxdan uu Hogaaminyay Maxamed, waxaa la shaqeeyay oo u fududeeyay Weerarkan Labo kamid ah Ilaallada Madaxtooyadda oo ay Maxamed gacansaar hoose lahaayeen.

Sidoo kale, waxaa “Operation-kaan” Abaabulkiisi Maskaxeed iska kaashaday Qaar kamid ah Xildhibaannadda lagu Magacaabay “Qaswadayaasha” iyo Al-Shabaab oo uu xidhiidh aan Qarsoodi aheyn ka dhaxeeyo.

Kooxdaan “Qaswadayaasha” ayaa Qandaraas waxey kusoo qaateen in ay Booska Madaxweynenimada ka wareejiyaan Xasan Shiekh Maxamuud, weerarkaan wuxuu ahaa iskuday la doonayay in Weerar lagu dillo Madaxweynaha, haduu fashilana, Qorshaha labaadin uu noqdo in la Ololeeyo oo la diyaariyo Casilaadda Madaxweynaha.

“Qaswadayaasha” ayaa filanaya in ay Lacag farabadan uga timid Dowladda kamid ah Midowga Yurub (EU), sida Dowladda Talyaanigga iyo Norway, kadibna Lacagtaa lagu hadhqiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya “Baarlamaanka Lacagta lagu shubto”.

 

somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories