HomeWicistii Qol-qol Joogga Iyo Mashquulkii Qurbe Joogga: Cumar Seerbiya

Wicistii Qol-qol Joogga Iyo Mashquulkii Qurbe Joogga: Cumar Seerbiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dadku  waxay isku af-gartaan hadalka xooluhuna urta marka laga yimaado astaamo iyagu ka dhexeeya dadweynaha caalam oo cidkastaaba wax ka fahanto sida kuwa faraha iyo madaxa , hase ahaatee ma dhici kartaa in af isku mid ah la isku fami waayo mararka qaar?.

blank

Somaliland ayaa sannadkan waxa la sheegay in ay yimaadeen  dadkii ugu badnaa eek a soo laabta  dalka dibaddiisa kuwaas oo lagu magacaabo markay dalka yimaadaan Qurbe –joog oo sannadkan lagu qiyaasay ku dhawaad 25’000 oo qof in ay yimaadeen  Somaliland , inkasta oo aanay lahan magac u gaar ah dadka dalka sii joogay haddana markay gaadho bilaha  Todobaad illaa bisha Sagaalaad waxaa iyagana loo bixiyaa Qol-qol Joog  oo ka dhigan kuwii  dalka joogay ee aan geesna u dhaafin.

Tubta ugu badan ee ay qofku qofkale macaariifnimo iyo isbarasho ku dhexmari karto ayaa ah in uu adeegsado qof ay qofkan isku xidhanyihiin ama aqoon dheeri ah u leh , kaas oo ay dhacdo in marka uu qofkii u dhexeeyey labadan qof  uu isbaro muddo ka dib aad moodo dad in badan aqoon isku lahaa labdii qof ee markaas isku cusbaa .

Waxay ahayd waqti aan dheerayn markii aan tagay mid ka mid ah hotelada magaalada Hargeysa aniga oo markaas hawl shaqo u lahaa, waxaan kula kulmay nin aanu saaxiib nahay oo aanaan muddo  badan wax indho ah isa saarin oo aan ku odhan karo  waxay ahady marka la yidhaadho “ ax yaa qaraami “ oo ka dhigan waanu kala raagnay  , salaan iyo mucaanaqayn ka dib waxaan si kaftan leh  ayaan ugu idhi “ saaxiib  muddo ku maan arag oo waxaan islahaa waxa uu ku biiray qolodan qurbe joogta  ah  ee bal warran “  hadalkan ayaa ah mid ay  inta badan ay ku kaftamaan dhallinyarta magaalada Hargeysa , gaar ahaan waqtigan oo ay dalka ku suganyihiin Qurbe-joog badani .

Saaxiibkay inta u qosol  la jeestay ayuu igu yidhi “ saaxiib  ka mid noqosho ayaad sheegtaye haddii aad ogtahay sida aan uga xanaaqo sheekada qolodaasi  maad i weydiiseenba “.

Waxaan dhagaha u furay  u kuur galka waxa soo kala maray Qurbe-joogta  iyo saaxiibkaygan sida aadka ah u la yaabay hadalkii aan ku idhi , waxaan  sii weydiiyey sida ay wax u jiraan .

Deegaan kasta iyo kob kastaaba waxay saamayn ku yeelataa ciddii markaas ku nool markaan aan eegno dhallinyarta Somaliland ku nool ayaa si kastaba wax ha u jiraane waxay inta badan waqtigooda ku qaataan meelaha maqaaxiyaha shaaha  oo iskugu yimaadaan, kaftanka iyo hadba waxii markaas shidanna ay ku wada wadaagaan , inkasta oo beryahan dambe la sheegayo in  isticmaalka barta Facebook-gu  bedeshay fadhigii  maqaaxiyaha  shaaha , halka ay dadka dalalka ka baxsan Somaliland ay inta badan sheegtaan mashquul xad dhaaf ah .

Saaxiibakay waxa uu ii bilaabay sheeko socotay waqti aan badnay hase ahaatee xusuus iyo mahadho xawli ah ku reebtay maskaxdayda ,  waxayna ahayd bilawgii sheekada uu ii sheegay saaxibakay sidan  “ saaxiib muddo yar ka hor ayaan  waxay isbarasho na dhexmartay gabadh/inan  ka timi mid ka mid ah dalalka dibadda ,taas ooay iskaayo  baray wiil ay xasabo yihiin inanta “ , marka uu halkaa marinaayo  oo aan  anna hayehda aan hayo.

guud ahaan dadka ayaa la sheegaa in aanay ku fiicnayn dhanka dhagaysiga tusaale ahaan qofku marka wax loo sheegayo  wuu ka dhexgalaa ciddii wax sheegaysay ama waxa uu jeclaystaa in uu hadalka  la soo kobo.

Waxaan dhagaysanayaa sheekada saaxiibakay anigaoo aad moodo in aan ka sii hordhacayo nuxurka sheekada oo leh “ kadibna”. Waxa uu  ii sheegay saaxiibakay in ay gabadhaasi/inantaasi ay muddo wada xidhiidhayeen   iyaga oo inta badan adeegsan jiray  aaladda taleefanka gacanta oo ah isgaadhsiinta ugu xawaaraha dheeraysa Somaliland gudaheeda .

Waxa hore loo yidhi “Shinbirba Shibirkiisa ayuu la duulaa” oo macnaheedu yahay ciddii markaas isku aragti ,garaad ,dookh  iyo isku faham ah ayaa isla jaanqaadi karta oo kaliya.

Wiilkan saaxiibkay ah oo sheekadiisa u sii guda daagaaya ayaa  waxa uu ii sii raaciyey intaas in waqtiyada uu firaaqada hayo uu isku dayijiray  in uu la xidhiidho gabadhan uu haasaawuhu ka dhexeeyo hase ahaatee  in ay  jiryto is faham la’aan xagga  waqtiga ah .

Waxaan weydiiyey sababta uu uga dayrinayo xidhiidhakan ka dhexeeya  isaga iyo gabadhan/inantan  waxaa uu iigu jawaabay isaga oo dhoola caddaynaaya “ saaxiib ma waxaad aragtay mashquul aan dhammaanaysaba “ oo uu uga jeedo in ay mashquul badan inantu sheegato marka uu taleefanka ka Waco ama uu kala hadlo .

Waxaan  ku idhi anna “ oo saaxiib dee qofku waxaa jiri karta waqtiyo aanu wax firaaqo ah hayne ma waqtiya daabaad taleefanka u dirtaa sidee  bay wax u jiraan ?” waxaanu  iigu jawaab celiyey inay ay tahay waqtiyo badan inta uu taleefan kala hadlay gabadhan ee ay ugu jawaabtay “waxaan ku jiraa mashquul ee  hadda kuma haleelayo “.

Guud ahaan noolaha ayaa ah mid   waxii laga hor istaago ama laga xanibo  u sii qaada xiisho gaar ah haddii ay tusaale u soo qaadano neefka xoolaha ah haddii meel laga celiyo waxa uu isku taxalujiyaa sidii ee maashaas uga jibbo keeni lahaa.

Sheekadan oo ay dad badani siyaabo kala duwan u macnaysan karaan  madaama la yidhi ”maan dad waa mudacyo afkood “ ayaa ah sidii  aan ka soo weriyey wiilkan isagu ka mid ahaa jilayaasha sheekadan  .

Markii ay halkaas marayso  sheeko wadaagii inanka iyo inantu  ayaan idhi  tani waa “ Wacistii Qol-qol Joogaa Iyo Mashquulkii Qurbe Joogga”.

 

Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya)

Omarserbia1@hotmail.com

Oodweynenews/Hargeysa Office

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories