HomeWFP oo ka hadashay Sonkor Xumaatay oo ay gubtay

WFP oo ka hadashay Sonkor Xumaatay oo ay gubtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Hay’adda cuntada aduunka u qaabbilsan Qaramada Midoobay ee WFP, ayaa markii ugu horreysay shalay ka hadashay Raashin dhacay oo ay dhawaan dalka Somaliland soo gelisay, kaasoo ay Masuuliyiinta u hadlay Hay’addu sheegeen in la gubay oo aanay wakhtigan waxba ka noolayn.

Sarkaaladda WFP u qaabbilsan Xafiiskooda Nayroobi xagga Warbaahinta Susannah Nicol, oo qoraal Saxaafadda loogu talogalay ka soo saartay isla Nairobi, ayaa ku doodday in Raashinkaas la gubay, waxaanu qoraalka warkeeda oo ku qornaa Luuqadda Ingiriisada oo aannu soo turjunnay u dhignaa sidan:- “Maqaallo la xidhiidhay gubitaanka mucaawino Sonkor ah oo WFP keentay ayaan doonayaa inaan u caddeeyo akhristeyaashiinna, si aanay uga haysan fikir khaldan xaaladdii ay ku dhammaatay.

WFP waxay ka keentay 120 Mton iyo 1.6Mton mucaawino Muqdisho kuna socotay Berbera, halkaas oo imaatinkeedii la ogaaday in wax soogaadheen qoyaan ah, ka dibna waxay WFP baadhitaan shaybaadh ugu dirtay Nayrobi oo natiijadi noqotay inaan la isticmaali karin. WFP waxay go’aansatay in Sonkortaa lagu soo gubo Jabuuti, laakiin markii ay suurtoobi weyday waxay la tashatay masuuliyiinta Somaliland. Shuruucda WFP waa haddii mucaawinadu xumaato in degdeg loo gubo si xafidan. Waxaana lagu maamulay wada-tashi buuxa iyo iskaashi lagala yeeshay Madaxa hay’adda Ilaalinta Tayada Somaliland, Madaxa Faya-dhowrka Dawladda hoose ee Hargeysa. Mucaawinadaa waxa lagu gubay 28kii August goobta Xashiishka Hargeysa lagu gubo, iyadoo ay korjoogeen Masuuiyiinta WFP ee hawlgalada iyo gaadiidka iyo masuuliyiintii Xukuumadda Somaliland ka socotay.

Hay’adda Ilaalinta Tayadu waxay keentay goobtii lix Askar Booliis ah oo ilaaliya goobta ilaa cagaftu aasto hadhaagii gubashada maalintii danbe ee 29kii August. Wax caddeyn ah ma jiraan tilmaamaya in dadweyne yimaadeen goobtii lagu gubay oo qoday, maadaama goobta amaankeeda askartu sugaysay. Waxa kaloo aan xaqiiq ahayn in WFP sonkortaa ku daadisay dooxa Naasa-hablood oo halis u ah caafimaad qabka guud ee bulshada. WFP marna uma dulqaadanayso xaalad keeni karta halis caafimaad, balse waxa la raacay habkii ugu saxsanaa ee aanu wada gaadhnay masuuliyiinta ay khusaysay ee Somaliland sidii hab sugan loogu gubi lahaa sonkortaa.”

Dhinaca kale madaxa WFP xafiiskooda Hargeysa Mr. Hom Chhetri, oo wax laga weydiiyey qoraal uu saxaafadda hore ugu baahiyey madaxa hay’adda Ilaalinta tayada Somaliland oo ku saabsanaa xafiiskooda iyo cabasho Darawaliinta gaadiidkii siday Sonkortaa ee ku saabsanaa kirooyinkooda ayaa ku jawaabay; “Waa dhab inay muddo dheer qaadatay wada xidhiidhka hay’adda Ilaalinta Tayada iyo xafiiska WFP Hargeysa, balse wakhtigan waanu xallinnay, si joogto ahna waanu u wada shaqeynaa, dhinaca gaadiidlayda iyo kirooyinkoodana way socotaa oo keliya waxay maraysaa nidaamkii bixinta waanay helayaan kirooyinkooda.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories