HomeWeydiimaha Guurka Xilligan aynu Joogno - W/Q: Faadumo Buuni

Weydiimaha Guurka Xilligan aynu Joogno – W/Q: Faadumo Buuni

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Fatima picWaydiimaha ugu badan ee la waydiiyo xilliggan aynu joogno hablaha markay gayaankood guursadaan ha yeeshee inta badan ka wer-wareegaan war celintooda waxaa ka mida ;

  1. Odaygaaga magacii?

  2. Waa qoloma?

  3. Deegaankoodu waa halkee?

  4. Hargeysa haddii uu deggan yahay, daantee ayuu ka deggan yahay?

  5. Muxuu ka shaqeeyaa? ma Hay’ad? ma dawladda? ma jaamacad? ma Dugsi? ma warbaahinta, ma shirkad? mise iskii buu u shaqaystaa (ganacsade)?

  6. Ma dalka ayuu joogaa mise dibadda ayuu ka yimid? Haddii uu dibadda ka yimid dalkee ayuu ka yimid, intee in leeg ayuu se joogay?

  7. Ma waddaad baa mise dadkiisa ayuu iskaga dhex jiraa?

  8. Wax hanti ah ma leeyahay, jago, amase guri?

  9. Gaadhi ma leeyahay? Haddii uu leeyahay waa noocee?

  10. Ma min weyn, min yaro, magmagato, amase meelmadayato, afartaa tee baad tahay?

  11. Reer hore ma leeyahay, haddii uu leeyahay imisa carruur ah ayuu dhalay?

  12. Hooyadii iyo aabbihii ma noolyihiin?

  13. Imisa hablood buu la walaalo yahay?

  14. Da’diisu waa ilaa intee?

  15. Mushahar intuu u xaadiraa? ( Intuu qaataa)

  16. Ma dheer yahay mise wuu gaaban yahay miseba waa dhexdhexaad?

  17. Midabkiisu waa caynkee (casaan, maariin, amase madow)?

  18. Jaadka ma cunaa? Noocuuse cunaa?

  19. Gabbaati intuu keenay?

  20. Maxaad qabsatay meherkaagii, imisa garaam oo dahabaad se’ qabsatay?

  21. Imisuu yarraduu keenay?

  22. Sheekhee ku meheriyey?

  23. Imika inteed u mehersan tahay?

  24. Goormaad wareegaysaa?

  25. Hudheelkee laguugu tumayaa?

  26. Arooska ma is-xanbaar baad ka dhiganaysaa mise 7-dii aroos? Mise waabad iska wareegaysaa?

  27. Imisa fujaan ayaa laguu soo xidhayaa?

  28. Is-barashadii labada reerood ma dhacday?

  29. Hadday dhacday maxaa laguu keenay ? Ma guri bay ka dhacday mise hudheel?

Waaba sida Sheekadan ku kala dhex dhacday hooyo Canbaro iyo hooyo Cibaado bookhasho gaabanna iskugu yimi. Sheekadu waxay u dhacday sida tan:

Hooyo Canbaro: Alla waa Cibaado. Cibaado soo dhawoow hore u soo dhaaf guriga.

Hooyo Cibaado: Mahadsanid Canbaro.

Hooyo Canbaro: Reerihii ma lagu nabad qabay?

Hooyo Cibaado: Haaye maxaad sheegteen?

Hooyo Canbaro: Nabad iyo waxaan lagu waarayn!

Hooyo Cibaado: Naa maalmahan waan maqnaaye labadaadii hablood waa lagaa soo doonay baan maqlee ii warran?

Hooyo Canbaro: Haayoo saddex bilood baabay kala danbeeyeen.

Hooyo Cibaado: Waa nimcee, oo yaa kaa soo kala doonay?

Hooyo Canbaro: Tii weynayd reer baal Shinbiro tii yaraydna reer baal Digaag.

Hooyo Cibaado: Waaban isku soo galnay haye, oo maxay ka kala shaqeeyaan?

Hooyo Canbaro: Ta weyn dibadda ayuu ka yimid.

Hooyo Cibaado: Maansha Allah. Waan ogaa inay meel roon marto tahay dibaddaabu ka yimid ba, waa nimcee!

Dibadduu ka yimid markay maqashay farxad bay muusootay. Dibaddu la weynaa!

Hooyo Cibaado: Oo heedhe ta’ yarna muxuu ka shaqeeyaa?

Hooyo Canbaro: Waa Aqoonyahan dalka jooga, walina shaqo ma helin haddase wuu sugayaa.

Hooyo Cibaado: Naa anigu aqoontiisa kumaan waydiisane muxuu shaqo haystaa?

Hooyo Canbaro: Yur, naa waa Aqoonyahan baanu ku nidhi shaqadu ma faral baa?

Hooyo Cibaado: Oo haddaa reerkoodu lacag ma leeyihiin?

Hooyo Canbaro: Oo lacagtooda maxaa ka galay hadday haystaan?

Hooyo Cibaado: Dee mayee inantaaday ku masruufi doonaan.

Hooyo Canbaro: Naa ma iyagaa inantayda guursaday? Isagaa guursadee, waa uu u shaqaysan reerkiisa.

Islaantii Canbaro inta ay adkaysan kari wayday xanaaq, labadii dhabanna casaadeen ayey islaantii Cibaado dug ku tidhi timahana la boodday, labada gacmood la isla gal dhulkana la isku rif.

Alla kala qabta….Kala qabta iyo Shaydaanka naara badatay, labadii islaamood la soo kala gaadh garna looba fadhiisay.

Naa kaalay ma maantay aqoontii, shaqo kaala waynaatay. Cajuusad yahay aqoonta iyo shaqada tee baa horraysa?! Waad arki doontaa indhahaagoo shana, hadday hablahaaga Jaahiliin kaa soo dooni waayaan, imikana ina kala daa’ dhabarkaagana i tus, naa gurigaygana ii dhaaf wuxu waydiimo badanaa ma Weriyaa?” Ayey tidhi islaantii Canbaro iyadoo labada dhaban casaadeen xanaaq dartii!

Cibaado: Naa waanu kuu dhaafi habar yahay dhammaatay.

albaabkii qab ..qab kaba siisay si uu maaggay iyada !

Dhammaad

Faadumo Buuni

Hargeysa, Somaliland

libaaxo.77@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories