HomeWeriye ka tirsan ROYAL TV oo Booliska Ceerigaabo Xabsiga u taxaabeen iyo...

Weriye ka tirsan ROYAL TV oo Booliska Ceerigaabo Xabsiga u taxaabeen iyo sababta xadhiggiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ceerigaabo  (SLpost)- Ciidammada ammaanka magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa Xabsiga u taxaabay Weriye Cabdillaahi Xuseen Darwiish oo magaaladaa uga soo warrama TV-ga ROYAL, kaasoo la sheegay in loo xidhay war uu soo tabiyey.

Axmed Cumar Caddaani oo ah Agaasimaha TV-ga ROYAL ee Somaliland, ayaa xaqiijiyey in shalay gelinkii hore abbaaro 10:30 (tobankii iyo badhkii) Xabsiga loo taxaabay Weriyaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag uga soo warramaya ROYAL TV Cabdillaahi Xuseen Darwiish, kaasoo uu sheegay in amarka xadhiggiisa uu bixyey Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal (Geel-jire).

“Waxa loo xidhay War uu xalay soo tabiyey oo ku saabsanaa dad raashin loo qaybinayey, balse dadkaasi ka cawdeen inaan raashinkasi ku filnayn maaddaama oo ay yihiin dad danyar ah oo caawimo kafaysa u baahan mar kasta. Wax kale oo uu galay ma jiraan, waxa loo xidhayna waa warkaas oo TV-gu baahiyey markii uu soo diray,” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha Somaliland ee TV-ga ROYAL Axmed Cumar Caddaani. Waxaanu Axmed intaa raaciyey; “Saaka sidii loo qabtay illaa caawadan aan kula hadlayo wuu xidhan yahay…”

Geesta kale, Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamd-rashiid Muxumed Faarax, ayaa sheegay in maanta markii ay maqleen xadhigga Weriye Darwiish ka dib,ay la xidhiidheen Taliyaha qaybta Booliska, kaasoo uu xusay inuu u ballan-qaaday in maanta ahaanba la sii-deynayo, hase ahaatee, uu caawa ogaaday inuu xidhan yahay oo aan weli la siideynin.

Xoghayaha guud ee SOLJA Maxamed-rashiid, waxa uu sheegay inay ku hawlan yihiin siiddeynta Weriyahaas, isla markaana ay maanta dawladda kala hadli doonnaa arrinta Weriyahaas iyo sidii loo sii deyn lahaa, hawshiisana ay maanta ahaanba bilaabeen, balse ay rejaynayaan inay maanta ku guulaystaan in laga sii-daayo Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Ceerigaabo oo uu Waaran la’aan ugu xidhan yahay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories