HomeWejigii Saddexaad oo Laami Lagaga Dhigayo Jidka Dawg-cad oo La Bilaabay

Wejigii Saddexaad oo Laami Lagaga Dhigayo Jidka Dawg-cad oo La Bilaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wejiga saddexaad ee dhismaha jidka Dawga-cad oo lagaga dhigayo laami, ayaa maanta si rasmi ah loo bilaabay,  ka dib muddo sannad ka badan oo  shaqao adagi ka socday  waddadaas oo Magaalada Hargeysa  ku xidha xeebta Galbeed, isla markaana ay ka dhici jireen shilal baabuur oo sababay masiibooyin keenay dhimasho iyo dhaawac badan oo joogto ahaa.

blankGuddida dhismaha Dawga-cad, ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay   bilaabeen qorshaha  samaynta jidka laamiga ah  oo dhan  illaa 15 KM , iyada oo  ay si fudud isticmaali doonaan gaadiidka isaga kala goosha Somaliland iyo dalka Djibouti.

Eng Cali Cabdi Sarajoog oo ka mid ah guddida dhismaha, ayaa sheegay in  la diyaariyay qalabkii lagu fulin lahaa dhismaha, waxaana ay taasi sahli doontaa isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana uu mahadceliyay dhamaan dadkii ka qaybgalay hawshaas .

“Wadada waxa la dhigay jiida  iyo jaygii  Daamurka la dulsaari lahaa ,  waxa isku dhaafi kara  laba, saddex  gaadhi, inta aanu imika laamiga dhigaynaa waa Buurta Dawga-cad, ka dib  waa  la dhamayn doonaa , Hargeysa waxa looga socon doonaa  in ka yar saacad, xeebtana saacad uun, dadku waxa ay ku iman doonaan Badda  laba saacadood,iyada oo aan laami ta Berbera la mid ah la isticmaalayn , waa ay ku soo dabaalan doonaan. Hawl adag  ka dib maanta waa  wax wanaagsan la arkay, dadkii lacagta bixin jiray waxa  aanu leenahay qaadhaanka ha kala jarina, waa horumarkii dhulkiina” ayuu yidhi  Eng Cali Sarajoog.

blank Axmed Xaashi  oo ka mida Qurba-jooga dalka Norway , ayaa    ugu baaqay jaaliyadaha Somaliland ee taageeray  dhismahan wadadan in ay  sii wadaan dadaalkooda, iyaga oo la xaqiijiyay  yoolkii la beegsanayay.

 “Waxa aan halkan kala hadlayaa dadkii Qurba-jooga ahaa  ee ka qaybgalay fududaynta wadada , waxa aan filayaa in loo baahan dhaqaale ,  waa aynu ka qayb qaadanaa dhismaha dalkeena , iyada badan ayaa yidhaahda wadadii la dhamaystirin , cidi waxba kama qabto dadbaa yara xaadh-xaadhaya , indhihiina ayaad ku arkaysaan laamidiibaa la saarayaa , anigu waxa aan ka imid Norway, waxa aan rejaynayaa in reer Norway  waxa aan gaadhsiin doonaa fariintaydii marka aan ku laabto” ayuu yidhi Axmed Xaashi.

Dhismaha jidka Dawgacad oo ka dhici jireen  shil galaaftay nolosha dad badan oo u kala safrayay Magaalooyinka Hargeysa iyo Djibouti, ayaa la bilaabay  bishii Augus ee sannadkii 2011-kii , waxaana hindisihiisa lahaa  dad isugu jiray  haween  ragga  ganacsato ah oo dalka ku sugan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories