HomeWejigii Koowaad ee Ballaandhinta Biyaha Caasimadda oo ka kooban 12 Ceel-biyood oo...

Wejigii Koowaad ee Ballaandhinta Biyaha Caasimadda oo ka kooban 12 Ceel-biyood oo la dhammaystiray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 07 March, 2012 (SLpost)- Madaxweyne ku Xigeenka  Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa Maanta Xadhiga ka jaray wejigii kowaad ee 12 Ceel biyood oo ka qayb qaadanaya balaadhinta biyaha Caasimada isla markaana laga hir geliyay deegaanka Xunbo weyne ee degmada Laasgeel.

Munaasibad loo sameeyay xadhig ka jarista ceelashan ka qayb galay Wasiirka Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland,Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi jeex,Duqa Caasimada Hargaysa,Maareeyaha Wakaalada Biyaha,Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye “Nacnac” oo ka tirsan Golaha Wakiilada,Madax ka socotay Shirkada Dhistay Ceelashan oo lagu magacaabo Alfa Arabian Golf isla markaana ay maal gelisay hay’ada Khaliifa Binu Saa’id al nahayaan ee dawlada imaaraadka carabta.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay Amiirada dawlada Iimaaraadka Carabta ee Somaliland ka taageeray hirgelinta mashaariicdan oo door wax ku ool ah ka qaadan doona sidii Caasimada Somaliland ee hargaysa ay u heli lahayd biyo ku filan oo nadiif ah.

Madaxweyne Ku xigeenku waxaa kale oo uu amaan iyo bogaadin u soo jeediyay waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee ku nool deegaanka Xunbo weyne oo la’aantood aanay waxba ka fuleen mashaariicdani waxaanu intaas ku daray in Xukuumadu aanay ilaawi doonin kaalintii ay ka qaateen taabo gelinta Ceelashan,Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil “Saylici” waxa uu ka dalbaday madaxda Imaaraadka Carabtu sidii ay u dedejin lahaayeen keenitaanka dhuumihii biyaha ka qaadayay Ceelashan ee gaadhsiinayay Caasimada waxaa kale oo madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu ka codsaday Amiirada ka taliya Imaaraadka Carabtu inay ummada Somaliland oo ah dad islaam ah ay ka gacan siiyaan wax ka qabashada dhinaca wadooyinka iyo baahiyaha kale ee dalka ka jira.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil “Saylici” waxa uu tilmaamay in dhulka inta alle ka sokaysa ay dawladu ka mas’uul tahay isla markaana meesha ay dan u arkaan ay ka fulin doonaan mashruuc kasta oo ummada faa’iido u soo kordhinaya waxaanu ku booriyay shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay kaga daydaan bulshada ku dhaqan deegaanka Xunbo Weyne tusaalaha ay sameeyeen, soona dhaweeyaan mashaariicda noloshooda qaybta ka ah, waxaa kale oo Madaxweyne ku xigeenku intaas ku daray in waajibaadka xukuumada saaran ay ka mid tahay sidii loo daryeeli lahaa Ceelashan oo dhaqaale badani ku baxay .

Wasiirka Macdanta Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale  oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in Ceelashani ay soo saari doonaan Lix kun oo Mitirik Kuyuubik isla markaana ay wax badan ka furan doonto baahidii dhinaca biyaha ah ee ka jirtay caasimada dalka ee hargaysa oo ah meesha ay ku nool yihiin bulshada ugu badan ee Somaliland.

Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu waxa uu xusay in talaabada lagu hirgeliyay ceelashani ay ku timid dadaal xoogan oo Xukuumada uu hogaaminayo Madax weyne Axmed Siilaanyo u gashay sidii caasimadu iyo guud ahaan dalku u heli lahaayeen biyo ku filan waxaanu intaas ku daray inay maalintii shalay qalinka ku duugeen heshiis ay ku baxayso lacag dhan Sideed iyo Labaatan Milyan oo dollar kaas oo ujeedada laga leeyahay uu ku tilmaamay sidii biyo gelin loogu samayn lahaa Magaalooyinka waaweyn ee Somaliland.

Madaxa hay’ada Hirgelisay dhismaha ceelashan ee Alfa Arabian Golf Al Falaax Al Axbaabi ayaa dhiniciisa u mahad celiyay Shacbiga iyo Xukuumada Somaliland oo u fududeeyay mudadii ay hawlgalka Ceelashan ku jireen waxaanu intaas ku daray inuu wixii fariin ah gaadhsiin doono madaxda dawlada Imaaraadka Carabta.

Waxaa kale oo halkaasi hadalo kala duwan oo mahadnaq iyo Guubaabo isugu jira ka soo jeediyay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodi jeex,Duqa Caasimada Hargaysa,Maareeyaha Wakaalada Biyaha, iyo Qaar ka mid ah odayaasha deegaanka oo halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantood u mahadceliyay Shirkadii dhistay Ceelashan iyo Hay’adii Maalgelisay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories