HomeWejiga koowaad ee Dhismaha Jidka Ceerigaabo oo Maanta Si rasmi ah loo...

Wejiga koowaad ee Dhismaha Jidka Ceerigaabo oo Maanta Si rasmi ah loo bilaabay (DAAWO Sawirro)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wejiga Koowaad ee Dhismaha Jidka Laamiga ah ee Isku-xidhaya  magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo oo dhowaan madaxweynaha Somaliland dhagax-dhigay, ayaa maanta si rasmi ah bilowgiisa xadhigga looga jaray.

jid_ceeri1 (20)Munaasibad lagu qabtay goobta laga bilaabayo Dhismaha Jidka Ceerigaabo oo ku taala meesha la yidhaahdo Ina-Afmadoobe oo ka baydhaysa Jidka laamiga ah ee Burco iyo Laascaanood u dhaxay, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirrada ka tirsan Xukuumadda, Maamulka gobolka Togdheer, guddiga dhismaha Waddada Ceerigaabo iyo xubno kale.

Bilowga waddadan ayaa bar-bilow u ahayd 4 qaybood oo ay waddada Ceerigaabo dhismaheedu ka dhaqaaqi-doono isla maanta kuwaas oo kala ah Ceerigaabo oo laga soo bilaabi doono 10 KM, Ceel-afweyn oo 5KM laga soo bilaabay, 5km oo laga soo bilaabay Gar-adag iyo 10Km oo bilowgeedu uu noqday mid ay isugu yimaadeen masuuliyiin tiro badan oo uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ahna Gudoomiyaha Guddida Wadada Ceerigaabo, oo uu wehelinayo Maareeyaha Wadooyinka Somaliland Prof. Xasan Cali Cismaan.

Maanta oo Jimce ah waxa ay shacbiga reer Somaliland gaar ahaan bulshada Gobollada Saraar, Sanaag iyo guud ahaanba Gobolada Dalka u ahayd maalin ay u rumawday riyadii ay ku riyoon jireen ee ahayd in ay mar uun idhaha ka qaadaan Wadada Ceerigaabo oo dhisme rasmi ahi oo laami ah ka socdo, una dhan yihiin masuuliyiinta Xukuumada iyo Engineer-ada gacanta ku haya dhismaha wadadaasi.

Waxay ahayd jawi qurux badan oo ay ku dheehan tahay farxad iyo shaqo qiimo iyo sharaf ugu fadhida shacbi weynaha Reer Somaliland, rumaysayna Balanqaadkii madaxweyne Silaanyo.

Wasiirka dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska, Mudane Cali Siciid Ragal, WASIIRKU XIGEENKA Ganacsiga Mudane Bashiir Cabdi Xariir, Gudoomiyaha Gobolka Togdheer, Md Maxamed Muuse Diiriye, Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Maxamuud Cali Ramaax, Xildhibaano, Masuuliyiin kala Duwan, Heer Degmo iyo Heer tuulo, waxa sidoo kale goob joog ka ahaa dhismaha wadadaasi Gudida dhismaha Wadada Ceerigaabo xubno ka mida iyo weliba Gudoomiyaha Qurba-joogta ee wadada Ceerigaabo ee Dalka UK Oday Faarax Xasan Jagac.

jid_ceeri1 (1) jid_ceeri1 (2) jid_ceeri1 (3) jid_ceeri1 (4) jid_ceeri1 (5) jid_ceeri1 (6) jid_ceeri1 (7) jid_ceeri1 (8) jid_ceeri1 (9) jid_ceeri1 (10) jid_ceeri1 (11) jid_ceeri1 (12) jid_ceeri1 (13) jid_ceeri1 (14) jid_ceeri1 (15) jid_ceeri1 (16) jid_ceeri1 (17) jid_ceeri1 (18) jid_ceeri1 (19) jid_ceeri1 (20) jid_ceeri1 (21) jid_ceeri1 (22) jid_ceeri1 (23) jid_ceeri1 (24) jid_ceeri1 (25) jid_ceeri1 (26) jid_ceeri1 (27) jid_ceeri1 (28) jid_ceeri1 (29)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories