HomeWeftigii Xukuumadda Somaliland U Qaabilsanaa Heshiiska DP World Ee Dekeda Berbera Oo...

Weftigii Xukuumadda Somaliland U Qaabilsanaa Heshiiska DP World Ee Dekeda Berbera Oo Hargeysa Ku Soo Laabtay (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SL.Post) Subaxnimadii hore ee saaka ayey ahayd markii ay weftigii xukuumadda u qaabilsanaa heshiiska Dekeda Berbera iyo DP World ee 05/08/2016 lagu kala saxeexday Dubai, ay ka soo degeen gegida diyaaraha ee Egal International Airport Hargeysa, halkaas oo ay kala kulmeen soo dhawayn balaadhan, taasoo sababtay in weftigu dhex lugeeyaan shacbigii u soo ka lahay, sidii ay u soo dhawayn lahaayeen masuuliyiintii shacbiga iyo qaranka u soo hooyey heshiiskii taariikhiga ahaa. Waxaana Saxaafada la hadlay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici iyo Wasiirka Arrimaah Dibeda Somaliland Dr Sacad.

dsc_0000

 

Waxaana hadalka ku horeeyey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)  oo yidhi “Waxaan umadda reer somaliland ugu bushaarayaynaa in heshiiskii taariikhiga ahaa ama maalgelintii ugu weynayd ee mudo 25 sanadood umada reer somaliland sugaysay in maanta aynu soo dhamaystirnay, waxaan leenahay umada somaliland kheyr haku abshiraan heshiiskaasi oo taariikha umada somaliland u galay meel kastay joogto caalamka oo dhan laga soo dhaweeyey waxaan leenahay abshiruu bilkhyer, anaguna aad iyo aad baan ugu faraxsanahay ilaaha noo joojiyey anaguna inaan maanta hawsha goob joog ka ahano iyadoo runtii mudo shan bilooda wasiiradii hawshan u xil saarnaa hawl adag ay ka galeen wada hadal dheer iyo wada tashi dheerna ay ku guulaysteen labadii danood ay lahaayeen shirkada DP World iyo Qaranka Somaliland meel isugu yimaadeen sida fiican lagu dhamaystay layskuna afgartay guul, waxaa inoo wada taala hadaan nahay dawlad iyo shacaba sidaan usoo dhaweyn lahayn maalgashigaa qiimaha badan ”

dsc_0048

 

Waxa isna halkaasi ka hadlay faahfaahina ka bixiyey midhaha socdaalkii Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire, waxanu yidhi  “ Aniga oo u hadlaya waftigan uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenku waxaan jecelahay inaan shacbiga reer Somaliland ugu mahad celiyo sida wanaagsan ee diiran ee naloo soo dhaweeyey, aad baa ugu mahadsan tihiin.

dsc_0017

 

Hadii aan wax ka taabto safarkii aanu tagnay iyo najiitadii ka soo baxday, waxaanu maqnayeyn, mudo toban cisho ah, mudadaasi waxaanu ka shaqaynaynay dhamays tirka wadahadalo inoo socday inaga (Somaliland) iyo shirkada Dubai ports World (DP World)  mudo shan bilood ah, wadahadalkaas waxa aynu bilownay bishii afaraad ee April, ALLE mahadii wuu inoo soo gabagaboobay.”

dsc_0004

 

“Mashruucaasi wuxuu ka kooban yahay oo nuxurkiisu uu yahay qodobadii baarlamaanku uu ansixiyey, waa mashruuc maalgashi, waxay maalgashan doontaa Dekeda Insha Allah, waxay gashan doontaa 442$ Milyan doolar, waa mashruucii maalgashi ee ugu badlaadhnaa taariikhda Somaliland, mashruucaasi wuxuu ka kooban yahay dhawr waji, wajiga hore Deked ayaa lagu balaadhinayaa ta jirtana waa la qalabaynaa,  wajiga labaadna dayactir ayaa lagu samaynayaa tii hore, wajiga sadexaadna balaadhin labaad ayaa lagu samaynayaa.”

dsc_0002

 

Dr. Sacad Cali ayaa sidoo kalena faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey qiimaha heshiiska maalgashi ee Dekeda Berbera waxaanu yidhi “ Si aad fikir ugu qaadataaan sanadkan waxaynu filaynaa in dekedaana ay ka soo dagaan lagana raro ilaa lixdan kun oo koonteenar, mashruucaas wajiyadiisu markay dhamaadaan wuxuu suurto galin doonaa in Hal Milyan laba boqol iyo konton kun oo koontiinar ka soo dagaan dekeda lagana raro, markaa waad garan kartaa baaxda uu mashruucaasi leeyahay, waa mashruuc aad iyo aad u qiimo badan, lixda bilood ee soo socda diyaar garow ayey noqonaysaa, dabadeedna laba iyo todobka bilood ee soo socda Insha Allah waxay noqonaysaa farsamo ayey noqonaysaa, dabadeedna dhismaha ayaa bilaabmi doonaa oo isaguna socon doona afar iyo toban bilood, markaas sidaas ayuu noqon doonaa.

dsc_0003

Mashruucan qiimahiisu kuma eka dhaqaale oo kaliya, faa’iidooyin badan ayuu inoo leeyahay, wuxuu Isha Allah noqonayaa daafurka mashaariic faro badan oo u dhiganta ama kaba qiimo badan ayuu daahfur u noqon doonaa, waxaanu rajnayaa in dadka caalamka maal gashadaa ay ku soo dhiiradaan Somaliland.”

dsc_0084

Ugu dambayntii Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa ka hadlay warbaahinta dundia oo aad u qaadaa dhigtay heshiiskaasi maalgalinta Dekeda Berbera waxanau yidhi “ Mashruucan imika labadii cisho ee u dambaayey intii uu heshiiskaasi dhamaaday caalamka oo dhan ayaa meel walba lagaga hadlay, Joornaalada caalamka ugu waaweyn, talafishanada caalamka u waaweyn, maanta Somaliland waala yaqaanaa, waxaynu rajnayaa markaa hadaynu reer Somaliland nahay inaynu u weel samaysano oo u diyaar garowno sidii aynu ugu faa’iidaysan lahayn, waxa aynu jecel nahay in sibidhka dekedaa lagu dhisi doonaa uu noqon doono sibidhka ka soo baxa warshadeena sibidhka, maaha mid meel kale la inooga keeno.”

 

dsc_0097

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories