HomeWeftigii Wasiirrrada Somaliland oo Xal Khilaafka hoggaanka Degmada Saylac u Doonay Dalka...

Weftigii Wasiirrrada Somaliland oo Xal Khilaafka hoggaanka Degmada Saylac u Doonay Dalka Jabuuti

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Saylac (SLpost)- Wefti ka kooban saddex Wasiir ka socda Xukuumadda Somaliland, ayaa shalay  galay dalka Jabuuti ka dib markii loo maaro waayey khilaafka cakiran ee ka taagan hoggaanka Golaha Deegaanka ee Saylac.

Weftigan oo ka kooban Wasiirrada Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), Warfaafinta iyo Wacyigelinta Abiib Diiriye Nuur (Tima-cad) iyo Gaashaan-dhigga Axmed Xaaji Cali Cadami, kuwaas oo saddex maalmood ka hor Saylac u gaardhay Xal-u-helidda khlilaafka la xidhiidha Golaha deegaanka degmada Saylac oo maaro loo waayey ka dib markii Beelaha Samaroon iyo Ciise ee wada-dega gobolka Selel midkoodna ku qanci-waayeen go’aan sulux ah oo xukuumaddu ula tagtay si maaro loogu helo.

weftiga xukuumaddaXubnahan Wasiirrada ah ayaa la filayaa inay Dalka Jabuuti kulamo kula yeeshaan madaxda dalkaas, iyada oo lagu wado inay la kulmaan madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay gaadhsiin doonaan Farriin ay uga sidaan madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Wasiirradan ayaa la filayaa inay Dawladda Dalka Jabuuti hor dhigi doonaan aragtida xukuumadda Somaliland ee muranka Ka taagan Hoggaanka golaha Deegaanka Saylac oo Beesha Samaroon ku guulaysatay ka dib markii beeshaasi heshay 10 ka mid ah 17-ka Kursi ee degmada Saylac, taas oo dhalisay in Beesha Ciise oo todobada soo hadhay helay ay cabasho ka muujiyaan inaanay beesha Samaroon Xaq u lahayn kuraasida intaasi le’eg, maadaama oo sida ay ku doodeen ay iyagu iska leeyihiin deegaanka degmada Saylac.

Xukuumadda Somaliland ayaa beesha Ciise u soo bandhigtay inay qaataan maayar-ku-xigeenka degmada Saylac, isla markaana loo shaqaaleeyo dad ku dhow boqol qof, balse Beesha Ciise ayaa ku gacan-saydhay Hannaankaas suluxa ah ee xukuumadda Somaliland gaadhay, Waxaanay Wasiirrada Dalka Jabuuti Gaadhay doonayaan in Dawladda Jabuuti Arrintaas xalka ah wax kala qabato.

Wararka laga helayo magaalada Saylac ee la xidhiidha xubnaha Weftiga Wasiirrada, waxa la filayaa inay Dawladda Jabuuti kala xaajoodaan sidii loo baajin lahaa isku dhac dhexmara labada beelood ee wada-dega gobolka Selel iyo sidoo loo ilaalin lahaa xudduudda labada dal u dhexeeya, si haddii ay dhacdo loo xakameeyo malleeshiyo-beeleedyo ka soo tallaaba dhinaca xuduudda Somaliland la wadaagto Jabuuti.

In kasta oo aanay labada xukuumadood midkoona ka hadlay arrintan, haddana waxa ay wararku tibaaxayaan in xukuumadda Jabuuti oo loo arko inay lug ku leedahay Khilaafka cakiran ee golaha deegaanka degmada Saylac, aanay ku qanacsanayn sida Dawladda Somaliland xalka ugu raadinayso khilaafkaas.

Waa markii u horreysay ee labada dawladood ee Somaliland iyo Djibouti ka wada hadlaan xal u helidda khilaaf ka dhexeeyo labada beelood ee wada-dega gobolka Selal ee Somaliland oo xuduud la leh Jabuuti.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories