HomeWeftigii uu hoggaaminayay Murrashaxa Xisbiga KULMIYE oo Kulan la qaatay Masuuliyiinta...

Weftigii uu hoggaaminayay Murrashaxa Xisbiga KULMIYE oo Kulan la qaatay Masuuliyiinta ku hawlan la dagaalanka Xanuunka Shuban Biyoodka.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Wefti miisaan leh oo uu hoggaaminayo ayaa kulan xogwaraysi ah la qaatay Masuuliyiinta Gobolka Togdheer iyo hawlwadeenada  ku hawlan gurmadka shuban biyoodka ee Magaalada Burco.

099A5119Masuuliyiinta Gobolka Togdheer ayaa ka warbixiyay xaalada shuban biyood ee guud ahaan Gobolka , Badhasaabka Gobolka Togdheer  Maxamuud Cali Saleban iyo Maayirka Magaalada Burco Cabdikariim Muraad ayaa  sharaxay xaalada guud ee Gobolka iyo degmada Burco  waxaana ay sheegeen inay Magaalada Burco ilaa hadda ka  hawlgalayaan 30 baabuurta caafimaadka ee deg dega ahi.

Wasiirka Caafimaadka Saleban Ciise Axmed Xaglatoosiye  waxa uu sheegay in dhamaan dadka la keenay Cusbitaalka dhamaantood aanay ahayn Shuban Biyood balse uu sidoo kale jiro shubankii caadiga ahaa ee xilliyada cimiladu isbedelayso. Wasiirka ayaa weftiga u sheegay in ay dhibaatooyinka haysta ugu weyn tahay Waadhadhka oo dadkii  xanuunku soo ritay ka bateen iyo wararka Warbaahinta la marinayo oo marajo habaabinaya hawsha la dagaalanka shuban biyoodka.

099A5117Dhakhaatiirka  ka shaqeynayay Cusbitaalka Guud ee Burco ayaa sheegay in 24 Saacadood ee u dambeeyay Cusbitaalka Burco la keenay 262 ruux oo looga shakiyay shuban biyood. Waxaana ay sheegeen in 130 laga helay Xanuunkaasi inta kalena ay ahaayeen Shuban caadiya.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in gurmadka Xanuunkan iyo Xogtiisaba la midheeyo isla markaasna loogu taageero Wasaaradda Caafimaadka iyo dhakhaatiirteeda.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in isku duubnaan iyo cudud midaysan lagaga jawaabo xakamaynta xanuunka shuban biyoodka isaga oo sheegay inay  Xukumad ahaana arrintaasi isu diyaariyeen.

Sidoo kale Wasiirka Madaxtooyada waxa uu go’aamiyay  in si deg deg ah loosoo afjaro faafista xanuunka Shuban Biyoodka isaga oo soo jeediyay in la ilaalinayo nadaafada xabsiyada sidoo kalena waxa uu xoogiyay in la fasaxo dhamaan goobaha Waxbarashada si aan cudurku u sii faafin.

Guddoomiye Ku xigeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed waxa uu ku taliyay si loo helo goobo dadka lagu daweeyo in goobaha cusbitaalka u dhow dhow ee Wasaaradaha kale ee gobolka la weydiisto Wasaaradahooda  kadibna  goobahaasi qaarkood loo isticmaalo Waadhadh ahaan inta la daboolayo baahiyaha  waadhadhka ee Wasiirka Caafimaadku sheegay.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay in xaalad oo kale bulshadu u baahan tahay inay la socdaan wararka rasmiga ah ee hadba kasoo kordha xaalad caafimaadka isla markaasna Wasaarada Caafimaadka looga baahan yahay inay si joogto ah Warbaahinta ula wadaagto Xogta rasmiga ah ee xanuunka shuban biyoodka si looga fogaado warar been abuur ah .

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE sidoo kale waxa uu sheegay inay taageerada lagu gargaarayo dadka tabaalaysan ee xanuunku haleelay in lagu hagaajiyo Wasaarada Caafimaadka si aanay caqabado kale uga dhalan Gurmadka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories