HomeWeftigii Turkiga Oo Sheegay Inay Casriyaynayaan Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa

Weftigii Turkiga Oo Sheegay Inay Casriyaynayaan Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargaysa (SLpost)- Dawladda dalka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay dib u dhis ku samaynayso Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Hargaysa, sidaana waxaa sheegay Safiirka Waddamada Somaliland iyo Soomaaliya u fadhiya waddanka Turkiga Mr. Kani-torun, oo booqasho ku tagay xarunta guud ee Cisbitaalka Hargaysa.

Safiirka oo uu weheliyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciisi Xaglo-toosiye, ayaa si wada jir ah u booqday xarunta Cisbitaalka Guud, waxayna halkaas warbixin ay kaga dhagaysteen Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka, Dr. Axmed Xaji Cumar Askar, isagoo tafasiil ka bixiyay baahiya cisbitaalka ku gedaaman iyo shaqada ka socota. Sidoo kale wuxuu kulan la yeeshay Safiir Kani-torun masuuliyiinta Wasaaradda caafimaadka, isagoo u dhabo galay xaalada dhabta ah ee uu Cisbitaalka.

siilaanyo

Sidoo kale waadhadhka ay dadka bukaan jiifka ahi ku jiraan ayaa kamid ahaa meelihii uu qiimaynta ku sameeyay Mr. Kani-torun. Gebo gebadii ayay saxaafadda faah faahin ka siiyeen kulamadaas, Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo Safiirka dalka Turkigu, waxayna labadan masuul sheegeen in waddanka Turkigu si rasmiya u dhisi doono Cisbitaalka Magaaladda Hargaysa.

safiirka-Turkiga

Kani-torun ayaa cadeeyay in dalkiisu soo diri doono koox dhakhaatiir ah, kuwaas oo qiimayn ku samayn doonaa habka ugu sahlan ee mashruucaasi u hirgali karo, iyadoo taas kadibna si deg deg ah loo fulin doono hawlgalka dhismaha Cisbitaalka Hargaysa.
Geesta kale Wasiir Xaglatoosiye ayaa isna soo dhaweeyay dhismaha Cisbitaalka, isagoo sheegay inuu soo kordhin doono bilicda Cisbitaalka iyo adeegiisa oo kor u kaca.

Mashruucan dibudhiska Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Hargaysa, ayaa haddii uu hirgalo noqonaaya mid si weyn wax uga tara baahida caafimaad ee ka jirta dalka, gaar ahaan Caasimadda. Sidoo kale wuxuu mashuurcani dhiiri galin u noqon doona xidhiidhka ka dhaxeeya waddamada Somaliland iyo Turkiga.

Somalilandpost.com

Hargaysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories