HomeWeftigii Somaliland ee Mucaawimada u qaaday Xeryaha Qaxoontiga Kenya oo la kulmay...

Weftigii Somaliland ee Mucaawimada u qaaday Xeryaha Qaxoontiga Kenya oo la kulmay Raysalwasaare Odinga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi, (SLpost)- Weftigii Somaliland ee mucaawimada u siday dadka ku tabaalaysan xeryaha qaxoontiga ee Dhadhaab ayaa maanta kulan la yeeshay Raysal-wasaaraha Kiiniya, Raila Odinga.

blankXubnaha Weftiga Somaliland ee uu hoggaaminayo Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi waxay xog-waraysi iyo mahad-celin is-dhaafsadeen Raysalwasaare Odinga oo uu weheliyo ku-xigeenka Baarlamanka Kiiniya Faarax Macalin, isaga oo weliba Raysalwasaaruhu ku ammaanay Somaliland kaalinta ay ka gaysatay taakulaynta dadka abaaruhu ku dhaceen ee Soomaaliyeed.

blankWarsaxaafadeed naga soo gaadhay xafiiska Wakiilka Somaliland ee Kenya oo faahfaahin ka bixinaya kulanka dhex maray masuuliyiinta Kenya iyo weftiga Somaliland ayaa u qornaa sidan:

Waftigii Jamhuuriyada Somaliland ee soo gaadhsiiyay deeqda dadka tabaalaysan eek u jira xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya oo maalmihii u danbeeyayba ku sugnaa dalkan ayaa manta si rasmi ah kulan ula qaatay raysal wasaaraha dalka Kenya Mudane Raila Omolo Odinga, kulankan oo ka dhacay xafiiska raysal wasaaraha dalka Kenya  dhanka Somaliland waxaa  u metelayay Wasiirka diinta iyo awqaafta Mudane Sh.Khaliil  oo waftiga hogaaminayay, wasiirka ganacsiga , warshadaha iyo dalxiiska Mudane Abdirisaaq Khaliil, xildhibaan Abdiqaadir indho indho,  Imaamka masaajidka Ali mataan sh.maxamed Aaden, maareeyaha haayada wadooyinka Mudane Abdi waaxid iyo Safiir ku xigeenka Somaliland Mudane Abdirisaaq Axmed Karaani.   Dhanka kale waxaa raysal wasaaraha kulankan ku wehelinayay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Mudane faarax macalin iyo agaasimaha guud ee xafiiska raysal wasaaraha mudane Dr.maxamed abdi isaxaaqiya.

Wasiirka diinta iyo awqaafta mudane sh.khaliil ayaa raysal wasaaraha u gudbiyay salaan uu uga siday madaxweynaha Jmahuuriyada Somaliland Mudane Ahmed maxamed maxamuud, kadibna sharaxaad uga bixiyay u jeedada ay u yimaadeen dalkan oo ah inay  caawiyaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku  sugan xeryaha ku yaala dalkan Kenya, kaalmada ay sideena tahay mid ay soo dhiibeen shacabka Jamhuuriyada Somaliland, sidoo kale wuxuu aad ugu mahad naqay dawlada Kenya oo si fiican dalkeeda ugu soo dhawaysay.

Raysal wasaare Raila Odinga ayaa dhankiisa isna ka muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu arko dadaalak ay Somaliland muujisay ee ay ku taageerayso dadka tabaalaysan ee qaxootiga ku ah dalkooda , raysal wasaaraha ayaa ku amaanay dadaalkaas isagoo sheegay in uu ogsoon yahay in abaartu xitaa saameysay Jmahuuriyada Somaliland balse dadaalkani uu yahay uun  ficil  walaalnimo iyo maamul wanaag oo ay Somaliland go aan satay inay taageerto Soomalida  taabalaysan ee kukala nool xeryaha qaxootiga Kenya iyo waliba gudaha Somaliya.

Raysal wasaaraha ayaa si taxadar leh  carabkiisa ugu adkeeyay in aragatidiisa gaarka ah uu qabo in Jamhuuriyada Somaliland mutaysatay in la aqoonsado ay beesha caalamka ka mid noqoto. Wuxuu si gaar ah u xusay in doorashooyinka dimuqraadiyada ku dhisan iyo waliba dadaalada kale ee horumarineedba uu ku amaanayo Jamhuuriyada Somaliland, wuxuu  xusay raysal wasaaruhu in uu hore u booqday Dalka Somaliland imikana diyaar u yahay inuu  booqdo.Kulankaas ayaa kusoo idlaaday jawi farxad leh.

ALLAA MAHAD LEH

Republic of Somaliland

Somaliland Liason Office in Kenya

5th Ngong Avenue House 7th Floor.

Somalilandliason.kenya@gmail.com

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories