HomeWeftigii Somaliland ee Gargaarka u siday Barakacayaasha Soomaaliya oo Muqdisho Gaadhay iyo...

Weftigii Somaliland ee Gargaarka u siday Barakacayaasha Soomaaliya oo Muqdisho Gaadhay iyo Xaddiga wejiga hore ee Deeqda ay gaadhsiiyeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Weftigii ka socday xukuumadda iyo Shacabka Somaliland ee sahayda Gargaar u qaaday dadka ku tabaalaysay xeryaha Qaxoontiga magaalada Muqdisho ayaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

blankWeftigan oo ka koobnaa lix xubnood oo isugu jiray culimo, ganacsato iyo Abwaan Hadraawi, waxa garoonka magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya oo uu horkacayey guddoomiyaha gobolka Banaadir, xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaliya, Fannaaniin iyo dadweyne aad u badan.

blankAfhayeenka wefdigaasi ka tagay Somaliland oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in deeqda ay shacabka Somaliland iska soo ururiyeen ay gaadheyso $700,000 (Todoba boqol oo kun oo dollar) taas oo ay u kala qaybiyeen laba qeybood oo ay kala gaadhsiin doonaan barakacayaasha Muqdisho iyo xeryaha Qaxootiga xadka Kenya, isagoo xusay iney maanta wadaan 3.5 tan oo isugu jirta Caano, Cuntooyin kale iyo dawo iyadoo weliba ay maalmaha soo socda iman doonaan duulimaadyo kale oo sida qeybaha hadhsan gargaarkaas, waxaanu afhayeenku uga mahad celiyey sida diiran ee loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho.

blankAbwaan Hadraawi ayaa isaguna sheegay in aad ugu faraxsan yihiin socdaalka ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho, isagoo xusay iney wadaan deeq ay shacabka Somaliland iska soo ururiyeen oo ay ugu talo galeen iney ku taageeraan dadka walaalahood ah ee abaaruhu ay soo barakiciyeen ee ku sugan magaalada Muqdisho.

blankGudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo iska na halkaasi ka hadlay ayaa uga mahad celiyey wafdigaas socdaalka ay ku yimaadeen magaaada Muqdisho, “Deeqda ay wadaan yaraanteeda iyo badnideeda waxaa ka qaalisan damqashada ay ka damqadeen iyaga iyo shacabkooda dhibaatada heysata walaalahood Somaaliyeed iyo sida qiirada leh ee ay isu xilqaameen,” ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Banaadir

blankWeftigan Somaliland ee ka kooban abwaano, ganacsato iyo culumaaidiin, noqonaya kii ugu heerka sareeyey ee ka taga Somaliland tan iyo markii 18 May 1991-dii ay Somaliland xornimada kala soo noqotay Soomaaliya inteeda kale.

Somalilandpost.net

Somaliladpost@yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories