HomeWeftigii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefti Ka Socda Dawladda Somaliya Oo Isku Gaadhay...

Weftigii Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefti Ka Socda Dawladda Somaliya Oo Isku Gaadhay Dalka Kuwayt

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(Slpost)-Iyadoo uu habeen hore dalka Kuwayt gaadhay Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti kooban oo uu hoggaaminayaa, ayaa geesta kale waxa iyaguna halkaas gaadhay wefti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Cabdisalaan Hadliye.

1

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa dalkaas ku tagay sida ay madaxtooyadu sheegtay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay boqorka Dalka Kuwayt oo la filayo inuu la kulmo.

Geesta kalena, wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Cabdisalaan Hadliye, ayaa sheegay inuu la kulmay boqorka Dalka Kuwayt islamarkaana uu gaadhsiiyay farriin uu ka siday madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo aanu faahfaahin nuxurka ay xambaarsanayd. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliya ayaa lagu yidhi sidan “Kadib imaanshihiisa Caasimadda Kuwait , waxaa si toosa Wasiirka loogu gudbiyay madaxtooyada dalkaas, halkaasi oo uu kula kulmay Amiirka dowladda Kuwait H.H. Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah, waxaana  wasiirku uu u gudbiyay Amiirka dalka Kuwait dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,  ka dibna wasiirka waxa uu ka  mahad celiyay siday Kuwait u garab istaagtay Soomaaliya duruufihii adkaa ee ay soo martay,  wuxuuna sheegay Amiirku in uu dalka Kuwait uu diyaar u yahay in uu soomaaliya wax kasta u qabto oo garab istaag ah.”

Lama garan karo in dawladda Kuwayt qorshe ka leedahay wufuuda Somaliland iyo Somaliya ee dalkooda isku gaadhay iyo inay si aan ku tallo gal ahayn isugu gaadheen.

Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu ka jawaabo in xidhiidh ka dhexeeyay socdaalkiisa iyo socdaalka madaxda Somaliya, marka uu maalmaha soo socda dalka ku soo laabto.

Xigasho Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories