HomeWeftigii Maayarka Hargeysa Oo Somaliland Uga Qayb-galay Munaasibad Lagu Xusayay 35-Guuradii Aasaaska...

Weftigii Maayarka Hargeysa Oo Somaliland Uga Qayb-galay Munaasibad Lagu Xusayay 35-Guuradii Aasaaska Xisbul-Xaakimka Jabuuti

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Djibouti (SLpost)- Wefti uu hoggaaminayo Maayarka caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa maanta ka qayb-galay Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayay sannad-guuradii 35aad ee ka soo wareegtay Aasaaskii Xisbul-Xaakimka Djibouti ee RPP, kadib markii dawladda Djibouti iyo Madaxda xisbiga RPP si rasmi ah ugu soo marti-qaadeen Maayarka Hargeysa iyo xubnaha weftigiisa oo metelayey dawladda Somaliland iyo Xisbul-Xaakimka Somaliland ee KULMIYE.

Maayarka Hargeysa iyo Xildhibaan SiistoMunaasibadda oo si weyn loo soo agaasimay, ayaa waxaa ka qayb-galay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, Marwadiisa Khadra Muxumed Xayd, Golaha Wasiirada Djibouti, Mudaneyaasha Baarlamaanka, Madaxda Xisbiga RPP iyo dadweyne aad u farabadan oo ka mid ah taageerayaasha xisbul-xaakimka RPP oo ah kan ugu ballaadhan uguna da’da weyn axsaabta siyaasadda dalka Djibouti.

Waxa kale oo munaasibaddan loogu dabaaldegayay sannadguuradii 35aad ee aasaaska xisbiga RPP ka soo galay madax ka socotay dalalka Mandaqadda Geeska Afrika oo ay Somaliland ka mid tahay, qaar ka mid ah wadamada kale ee qaaradda Afrika, wadamada Carabta, qaar ka mid ah kuwa Yurub iyo wadamada Aasiya.

Weftiga Somaliland ee uu hoggaaminayey Maayarka Hargeysa, ayaa gacan-qaad ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo madasha munaasibaddaasi ka socotay ku gacan-qaaday martida dawladaha saaxiibka la ah uga soo qayb-gashay.

Maayarka caasimadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo munaasibadaas kadib la hadlay warbaahinta ayaa u hambalyeey Madaxweynaha Djibouti, shacbiga Djibouti iyo gaar ahaan taageerayaasha xisbiga RPP, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa: “Munaasibadda 35-guurada aasaaska xisbiga RPP, waxaan ku faraxsanahay inaan salaan u diro Madaxweynaha Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Marwadiisa Khadra Maxamuud Xeyd, dhammaan Shacbiga Reer Djibouti iyo Bahda Xisbiga RPP. Annaga waxaa nalagu soo casuumay oo aanu ka soconaa Xisbiga KULMIYE, iyo guud ahaan dalka Somaliland, markaa annigoo magaca [KULMIYE] ku hadla ya, isla markaana kaga wakiil ah Madaxweynaha Somaliland, waxaanu hambalyo u diraynaa shacbiga reer Djibouti.”

Maayarka Hargeysa Soltelco iyo Ismaaciil Cumar GeelleDhinaca kalena Xildhibaan Cabdicasiis Aadan Habane oo ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa, kana mid ah weftiga Maayarka Hargeysa, ayaa sidoo kale Madaxweynaha iyo dhammaan Shacbiga Djibouti ku hambalyeeyay xuska 35-guurada aasaaskii RPP, isagoo dhinaca kalena sheegay in booqashadooda Djibouti oo ahayd casuumad ay ka heleen walaalahooda Djibouti, si weyn loogu soo dhaweeyay.

Weftigan Maayarka Hargeysa maalintii dorraad ka degay magaalada Djibouti ayaa waxaa Madaarka ku soo dhaweeyay Maayarka caasimadda Djibouti, Xuseen Cabdillaahi Qayaad iyo masuuliyiin ka tirsan Dawladda hoose ee Djibouti, iyadoo ay masuuliyiin labada magaalo ee Hargeysa iyo Djibouti halkaas ka sheegeen inay iska kaashan doonaan dhinacyo badan oo ay ka mid tahay khibradda ay magaalo kastaaba ta kale dheer tahay, iyagoo sheegay in Hargeysa iyo Djibouti oo ah labada magaalo ee isugu dhow caasimadaha dalalka Geeska Afrika ay markii ugu horeysay iskaashi iyo khibrad-isweydaarsi yeelan doonaan , isla markaana ay dhinaca horumarka gacan iska siin doonaan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories