HomeWeftigii Ka Socday Kenya Oo Soo Kormeeray Dekedda Berbera iyo Keydka Haamaha...

Weftigii Ka Socday Kenya Oo Soo Kormeeray Dekedda Berbera iyo Keydka Haamaha Shiidaalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera, (SLpost)- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo horkacaya wefti ka socda dalka Kenya oo ay weheliyaan wasiirro, xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda ayaa xalay gaadhay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera.

Weftiga oo ay magaalada ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta gobolka, degmada iyo dekeda ayaa shalay booqday dekeda iyo keydka haamaha shiidaalka ee Berbera, halkaasoo ay warbixinno ka siiyeen masuuliyiinta xarumahaasi.

Maareeyaha iyo ku-xigeenka dekeda Berbera ayaa weftiga uga warramay shaqada dekda, baaxadeeda iyo badeecadaha kasoo dega iyo kuwa ka dhoofa, waxaanay u sheegeen weftiga awoodda ay dekedu u leedahay inay quudiso wadamada Afrikada dhexe.

Sidoo kale, Wasiiradda arrimaha gudaha iyo qorsheynta qaranka ayaa iyaguna ka warramay dekeda Berbera iyo ahmiyada ay u leedahay wadamada Geeska Afrika iyo wadamada kale ee qaarada iyo waliba marinka u saamaxaya inay isku xidhaan wadamada Yurub, bariga dhexe iyo Afrika.
Wasiirrada ayaa waxay ka warrameen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya wadamada Kenya iyo Somaliland iyo sida ay usoo dhaweynayaan xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid ganacsi oo dhex mara Kenya iyo Somaliland.

Xubnaha ka socday baarlamaanka Kneya ayaa iyaguna hadallo ay halkaas ka jeediyeen waxay ay ka mahad-naqeen sida balaadhan ee loogu soo dhaweeyayy guud ahaan Somaliland, waxaanay sheegeen in loo baahan yahay in la xoojiyo xidhiidhak qotada dheer u dhexeeya Somaliland iyo Kenya, isla markaana uu labada dal dhexmaro xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid ganacsi.
Screenshot-Warka Waftiga Kenya 8 Nov 2013.mpg-5

Ugu dambayn wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ka warramay ujeedada rasmi ah ee weftigu ku tageen magaalada Berbera. “ Ujeedada weftiga Kenya inooga yimi waxa weeye inay wadankeena arkaan oo ay bartaan iyo inaynu isku soo dhawaanno cilaaqaadkeena siyaasaddeed iyo ka ganacsi, markaa waxay Somaliland ka maqlaan idaacadaha iyo tv-yada, markaa horumarka aynu gaadhnay ayaa soo jiitay oo keenay inay reer Kenya inoo yimaadaan waana dal taariikh dheer inaga dhexayso oo uu ina wada guumaysan jiray Ingiriisku, baryihii hore intii aynaan Soomaaliya isku biirina waxay ahaayeen dalalka ay Somaliland ka wada dagaalameen maxmiyadihii ay Ingiriisku guumaysan jireen, imikana waxaynu filaynaa inaynu dib isugu furmi doono oo aynu isku mari doono badda iyo hawadaba.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Guduhu.

Somalilandpost.net

Berbera

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories