HomeWeftiga Somaliland oo Kulamo Muhiim ah La Qaadanaya Madaxweynaha Taiwan iyo Madaxda...

Weftiga Somaliland oo Kulamo Muhiim ah La Qaadanaya Madaxweynaha Taiwan iyo Madaxda Shirkadda CPC

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Somaliland oo wefti miisaan Culus u dirtay Dalka Taiwan iyo soo-dhaweyntii lagu qaabilay

Taipei (SLpost)- Wefti wasiiro ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa maanta gaadhay caasimadda dalka Taiwan ee Taipei oo si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyey.

Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Taipei waxa weftiga Wasiirrada Somaliland ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taiwan iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada xukuumadda madaxweyne, Tsai Ing-wen.

blankWeftiga Somaliland oo ka kooban Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Horumarinta Maaliyadda, Qorsheynta Qaranka iyo Xannaanada Xoolaha & Horumarinta Kalluumaysiga, ayaa safarkoodu la xidhiidhaa marti-qaad rasmi ah oo Somaliland ka heshay dowladda Taiwan, waxaanu dalkaas  safarkoodu qaadan doonaa ilaa Sabtida toddobaadka dambe.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, weftiga Somaliland ayaa muddo shan Maalmood ah oo ay ku sugnaan doonaa dalkaas, waxa ay kulamo la qaadan doonaan madaxweynaha Taiwan, Tsai Ing-wen oo ay weheliyaan masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda iyo safiirka Somaliland u fadhiya Taipei, danjire Maxamed Xaaji.

Warku waxa uu intaas ku daray in Weftiga Somaliland Kulamo la qaadan doonaan madaxda shirkadda dalkaas u qaabilsan Sahaminta iyo Maalgelinta Shidaalka ee CPC.

“Somaliland iyo Taiwan waxa ay wadaagaan Qiyamka Caalamiga ah ee xorriyatul-qawlka iyo Dimuqraadiyadda, waxaanay hirgelisay nidaam dowladeed oo ku dhisan Kala-dambayn iyo ilaalinta xorriyatul-qawlka,” sidaas waxa lagu yidhi war-saxaafadeedka wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan.

blankTaiwan iyo Somaliland ayaa badhtamaha sannadkii 2020-kii si ramsi ah u bilaabay xidhiidh dibloomasiyeed, iyagoo labada dhinacba xafiisyo wakiil ah danaha labada waddan ka furay magaalo-madaxyada Taipie iyo Hargeysa isla sannadkaas.

Taiwan ayaa Somaliland ka taageerta dhinacyada waxbarashada, Beeraha, Caafimaadka iyo Teknoolajiyadda, waxaanay dhawaan soo gaadhsiiyeen gargaar caafimaad kaddib markii ay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa toddobaadkii hore soo caga-dhigatay diyaarad sidday in ka badan 150,000 Xidhmo oo ah tallaalka Covid-19 ee Madgen oo lagu farsameeyey Gudaha Dalka Taiwan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories