HomeWeftiga Somaliland ee booqashada ku joogay Masar oo la kulmay Muftiga Guud...

Weftiga Somaliland ee booqashada ku joogay Masar oo la kulmay Muftiga Guud ee dalkaas iyo nuxurka ballan-qaadyo wax-qabadyo la isla qaatay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qaahira, (SLpost)-Weftigii Somaliland ee booqashada ku joogay dalka Masar ayaa la kulmay Muftiga Guud ee Jamhuuriyadda Masar Sh. Cali Gomaa oo madax ka ah xarunta Guud ee Daraasad Islaamiga ah ee Jaamacadda Azhar ee dalkaasi.

Sh. Gomaa waxa uu weftiga Somaliland u ballan- qaaday inay xaruntiisu taageero iyo wada shaqayn la yeelan doonto jamhuuriyadda Somaliland, sida lagu baahiyey shabakadda wararka ee alwft.

blankMuftigu waxa uu magaalada Qaahira kulan ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali oo booqasho dhowr maalmood qaadatay ku joogay dalkaasi, waxaanu Sheeku kulankaa kaga dhawaaqay inay Xidhiidh iyo iskaashi la yeeanayaan JSL.

Muftiga Guud ee dalka Masaru u tilmaamay in xarunta daraasaadka shuruucda diinta iyo cadaaladda ee dalka Masar oo la shaqaysa wasaaradda cadaaladda ee dalkiisu ay danaynayso inay Somaliland ka taageerto sidii kor loogu qaadi lahaa qunyar-socodka Islaamnimada Somaliland isla markaana diyaar u yihiin inay gacan ka gaystaan tabobarrada, hannuuninta iyo sixitaanka fekradaha khaldan ee laga qaatay diinta Islaamka.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Debedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi ayaa dhankiisa soo dhaweeyey isla markaana ammaanay doorka firfircoon ee Jaamacadda Azhar ka geysato arrimaha Islaamka, gaar ahaan machadka daraasaadka Islaamka ee dalka Masar.

Wasiirka Madaxtooda Xirsi X. Cali ayaa ka dalbaday Muftiga guud ee Jamhuuriyadda Masar inuu ka taageero Somaliland aasaasidda xarun daraasaysa Shuruucda taas oo laga hirgeliyo caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Xigasho: ALWAFD

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories