HomeWeftiga Guddoomiyaha KULMIYE oo Kulan la Yeeshay Safiiradda Maraykanka iyo Midowga Yurub...

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE oo Kulan la Yeeshay Safiiradda Maraykanka iyo Midowga Yurub ee Nairobi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal ku tagay dalka Kenya maanta, ayaa kulankoodii u horreeyey ee safarkan la yeeshay safiirrada dawladda Maraykanka iyo Ururka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi.

17238594_10203193746241534_1141419221_nKulan weftiga Guddoomiyaha KULMIYE iyo Safiirka Marayknaka Mr. Stephen Michael Schwartz iyo Safiirka Midowga Yurub Mrs. Veronique Lorenzo ku dhexmaray magaalada Nairobi xalay, waxay ku yeesheen wadahadal dheer oo lagu lafaguray arrimo kala duwan oo ay ugu waawayn yihiin; abaarta ka jirta Somaliland, doorashooyinka iyo dib-u-dhaca ku yimi, xaaladda guud ee nabadgalyo iyo siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Guddoomiye Muuse Biixi iyo masuuliyiinta wehelinaya oo kala ah; Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Khayraadka Biyaha Md. Xuseen Cabdi Boos waxay u faahfaahin dheer ka siiyeen safiirrada Maraykanka iyo Midowga Yurub guud ahaan xaaladda Somaliland ee xilligan, gaar ahaan abaarta adag ee ka jirta waddanka oo sababtay in ay halis ku jiraan dad gaadhaya laba milyan oo ay saamaysay abaartu, kadib markii xoolihii ka dhammaadeen, isla markaana shacabka iyo dawladda Somaliland wixii itaalkooda ah ay gurmad taakulo lagu gaadhsiiyo dadka jilicsan wadaan muddo lix bilood ah, balse beesha caalamka iyo dalalka qaadhaan-bixiyayaashu ay ka gaabiyeen waxtar ay ka gaystaan gurmadka xaaladda xun ee abaarta Somaliland, sidaasi darteedna looga baahan yahay inay si degdeg ah gacan uga gaystaan abaarta.

17274319_10203193746521541_689141532_nWaxa kaloo masuuliyiinta Somaliland uga warrameen dublamaasiyiinta Maraykanka iyo Midowga Yurub doorashooyinka Somaliland iyo dib-u-dhaca ku yimi xilligii la qaban lahaa oo ay si ballaadhan ugu sharraxeen sababta keentay ee ah duruufta abaarta ka taagan Gobollada Somaliland, waxaanna Guddoomiyaha KULMIYE ka codsaday qaadhaan-bixiyayaasha caawiya Somaliland ee ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Midowga Yurub inay sii wadaan taageerada doorashooyinka iyo horumarka Somaliland ee midho-dhalka fiican ay ka gaadhay, loogana baahan yahay inay bixiyaan kharashka kaga beegan doorashooyinka soo socda oo reer Somaliland ay ka go’antahay inay ku qabsoomaan xilliyada loo cayimay ee ay ugu soo horreyso doorashada Madaxtooyada oo hadda u qorshaysan inay dhacdo bisha November ee sannadkan 2017.

Sidoo kale, labada dhinac waxay ka wadahadleen xaaladda guud ee nabadgalyo iyo siyaasaddeed ee uu marayo Gobolka Geeska Afrika iyo sidii looga wadashaqayn lahaa arrimaha ka taagan si loogu wada noolaado xasillooni iyo horumar.

Dhankooda safiirrada Maraykanka iyo Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya – Stephen Michael Schwartz iyo Veronique Lorenzo waxay soo dhaweeyeen qodobada ay kala hadleen weftiga Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxaanay rajo ka muujiyeen inay kaalintooda ka qaadanayaan arrimaha Somaliland ee waxtarkooda laga codsaday, iyadoo haweenayda Safiirka Midowga Yurub ballanqaaday inay dhawaan socdaal ku iman doonto Somaliland si ay u aragto baaxadda xaaladda abaarta taagan.

Weftiga Guddoomiyaha KULMIYE waxa kaloo u qorshaysan inay kulamo kale kula yeeshaan magaalada Nairobi dublamaasiyiin, hay’ado caalami ah iyo kuwo Qaramada Midoobay oo ay kala hadlaan arrimaha Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories