HomeWefti Wasiirro ah oo Xadhig-ka-jaris iyo Dhagax-dhig ka Sameeyey Mashaariic laga Fuliyey...

Wefti Wasiirro ah oo Xadhig-ka-jaris iyo Dhagax-dhig ka Sameeyey Mashaariic laga Fuliyey Gobolka Gabiley

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Gabiley (SLpost)- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilanayo, ayaa maanta socdaal ku tagay Xarunta gobolka Gabiley, waxaanay halkaas kaga qayb-galeen Munaasibad lagu furayay Mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyay Magaalada Gebilay.

Xubnahan Golaha Wasiirada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirrada Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, Caafimaadka Saleebaan Axmed Ciise iyo Wershadaha Abiib Diiriye Nuur oo ay wehelinayeen Xildhibaano ka Tirsan Golaha Wakiilada, Maamulka Gobolka Gebilay iyo ka Degmada Gebilay, ayaa Xadhig ka Jaris iyo Dhagax dhigis ku Sameeyeen Mashaariic kala duwan oo laga fuliyay Gobolka Gebilay kuwaas oo isugu Jiira Xafiisyo Wasaaradeed, Dhismayaal Waxbarasho iyo Xarumo Caafimaad oo laga hirgeliyey deegaamada Gobolka Gabiley.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Md Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka hadlayay Xafiis Cusub oo Wasaaraddiisu ka furatay Magaalada Gebilay, ayaa tilmaamay in Xafiiskani uu Noqonayo Mid Kulmiya Gobollada Gebilay iyo Hawd. Wasiirku Waxa uu Xusay in Muddadii Saddexda Sanno ahayd ee Xukuumadda uu ka Tirsan yahay ay talada dalka haysay uu kor u kac ballaadhani ka Muuqdo dhaqaalaha dalka isagoo Sheegay in Gobolka Gebilay uu door Muuqda kaga Jiro Dakhliga dalka waxaanu intaas ku daray in Xafiiskan uu Maanta Xadhiga ka jaray uu yahay Mid qalab iyo Gaadiidkiisuba u dhamaystiran yihiin.

WASIIRRADAWasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo dhagax dhigtay Qaybo Cusub oo lagu Kordhinayo Jaamacada Timcadde ee Magaalada Gebilay, ayaa Sheegtay In Wasaarad ahaan ay Xil Weyn iska saarayaan Wax ka qabashada baahiyaha aasaasiga ah ee Jaamacadda Timcadde.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo dhagax dhigay Cisbitaal laga hirgalinayo Degmada Tog-Wajaale, ayaa munaasibaddii dhagax-dhigga ka sheegay in hirgalintiisu ay qayb Weyn ka qaadanayso hawlaha adeegga Caafimaadka ee Bulshada Degmadaasi u Ooman yihiin.

Gudoomiyaha Gobolka Gebilay Yuusuf Ibraahin Geedi iyo Duqa Magaaalada Gebilay Shucayb Maxamed Muuse oo iyaguna halkaas, ayaa dhinacooda amaan uga soo Jeediyay Xubnaha Golaha Wasiirada ee Mashaariicda dhinaca horumarka ka fulinaya Gobolka Gebilay iyagoo ugu baaqay Hay’adaha kale ee dawladuna inay ku daydaan.

SOMALILANDPOST.INFO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories