HomeWefti uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo maanta u ambo-baxay ka-qayb galka Shirka...

Wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo maanta u ambo-baxay ka-qayb galka Shirka London

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 18 February,  2012  (SLpost)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta u ambo-baxay ka qayb-galka shirka dawlada Ingiriisku London ugu qabanayso kooxaha Soomalida, kaasi oo qabsoomayo 23-ka bishan.

Madaxwaynaha Somaliland oo sii mari doona Magaaladda Nairobi oo uu ka dhacayo shir uu qabanayo urur goboleedka IGAD, ayaa waxa madaarka Hargeysa ku soo sagootiyey Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo inta badan masuuliyiinta xukuumaddiisa.

blankMadaxwayne Axmed Siilaanyo oo ka hor inta aanu dhoofin warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka ayaa faahfaahiyey ka qayb-galkiisa shirka London “Waxaan u ambo-baxayaa dalka Ingiriiska haddii ALLE idmo halkaasi oo uu 23-ka Feberwari ka dhici doono shir ay dunidu iskugu imanayso oo illaa 45 dawladood iskugu imanayaan, shirkaasi oo lagaga hadli doono arrimo badan oo mandaqada saameeya haddii aynu nahay Somaliland waa la inagu marti-qaaday shirkaasi, waxaanu fursad u helaynaa inaanu ka dhiibano ra’yigayaga oo aanu haddii ALLE idmo geyno qadiyadda Somaliand oo nalaga dhagaysto oo aanu la hadalo dawladaha iyo ummaddaha halkaasi iskugu imanaya. Waxaan doonaynaa inaan dawladaha ka soo qeyb galaya qadiyadeena ka dhaadhicino oo hoggo tusaalayno.”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

blankIsaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi,  “Waxaan ILAAHAY ka baryaynaa inuu shirkaasi inagu guuleeyo, ummaddu shirkaasi tagistiisa dood badan baa ka dhacday waa lagala tashaday Ha’yadihiisa kala duwan, shirkaasi waa la isku raacay ummadda reer Somaliland inyar mooyaane’e inteedii badnayd, Goleyaal, Asxaab iyo ururada cusub ee siyaasada ee la sameeyayba.”

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories