HomeWefti Uu Hoggaaminayo Maayarka Magaalada Turku Ee Dalka Finland oo Boorama Lagu...

Wefti Uu Hoggaaminayo Maayarka Magaalada Turku Ee Dalka Finland oo Boorama Lagu soo Dhaweeyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Borama (SLpost)-Waxa maanta magaalada Boorame soo gaadhay Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Maayarka magaalada TURKU ee dalka Finland Md. Seppo Lihtinen oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Turku iyo madax kale, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay booqasho ku joogay Somaliland.

Weftigan ayaa markii ay Boorama yimaadeen waxa ay kulamo kale duduwan la yeesheen Badhasaabka Awdal iyo Maayarka Boorama, waxana ay dulucda kulamadaasi ahayd sidii loo yagleeli lahaa xidhiidh cusub oo ay wada yeeshaan magaalooyinka Boorama iyo Turku.

Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Aayar oo wafdigan qaabilay ayaa uga warbixiyay hanaanka shaqo ee maamulka gobolka iyo hormarka ay Somaliland ku talaabsatay, waxana uu yidhi “Badhasaab ahaan waxa si toos ah ii soo magacaaba Madaxwaynaha, waxana aan gobolka uga masuul ahay Dawlada Dhexe, waxa aan ka gobol ahaan samaysanay qorshe balaadhan oo ku aadan sedexda sano ee soo socota iyo hormarka aan hoogsanayso ka gobol ahaan, sidaasi aawadeed waxa aan idiinka baahanahay in aan wada samaysano xidhiidh cusub oo ku salaysan sidii aan waayo aragnomada isku dhaafsan lahayn, casharona idiinka baran lahayn”

Wefti-reer-Finland-

Maayarka Boorama Mudane Saleebaan Xasan Xadi ayaa isaguna qaabilay wafdigan, waxana uu uga waramay shaqooyinka ay dawlada hoose u qaabilsan tahay bulshada waxana uu yidhi “Golaha degaanka ee degmada waxa soo doorta dadka, waxana ay iska sii dhex doortaan Maayarka degmada iyo kuxigeenkiisa, waxa ay D/Hoose bulshada u qabataa shaqo balaadhan oo dhinacyada hormarinta, ka shaqaynta bilicda magaalada, ilaalinta nadaafada iyo fayodhawrka, iyo dhinaca nabadgalyadaba ah, sidaasi aawadeed waxa aan qirayaa in aan nahay dal curdin ah oo aan wali helin aqoonsi caalami ah, waxana aan idiinka baahanahay inaad naga qabashaan in xidhiidh xoogan uu na dhex maro si aan casharo iyo waayo aragnimo balaadhan idiinka korodhsano”

Maayarka magaalada TURKU ee dalka Finland Md. Seppo Lihtinen ayaa gudoonsiiyay Badhasaabka Awdal iyo Maayarka Boorama hadiyado uu ugu soo talo galay, waxana uu ka marag kacay in labadii maalmood ee uu ku sugnaa Somaliland ay indhihiisu qabteen waxyaabo badan oo hormar ah oo ay Somaliland kaga horayso Somalia, waxana uu shacabka reer Awdal ku bogaadiyay hormarka ay hiigsanayaan ee dhinaca kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, tayaynta waxbarashada, dimuquraadiyada iyo arimaha maxaligaba ah.

Weftigan ayaa waxa ay soo booqdeen intii ay Boorama joogeen Jaamacadda Camuud, waxana ay isla maantaba u amba baxeen dhinaca caasimada Hargaysa.

Somalilandpost.net

Borama

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories