HomeWefti Uu Hoggaaminayo Maayarka Hargeysa Oo La Filayo Inay Berri Gaadhaan Stockholm

Wefti Uu Hoggaaminayo Maayarka Hargeysa Oo La Filayo Inay Berri Gaadhaan Stockholm

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

soltelcoAddis Ababa (SLpost)- Weftigii uu hoggaaminayay Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa la filayaa inay maalinta Berri abaaro 7:00 Subaxnimo ee wakhtiga Sweden, gaadhaan magaalo-madaxda dalkaas ee Stockholm, halkaas oo uu uga bilaabmayo safar shaqo oo la sheegay inuu qaadanayo muddo toddobaad ah.
Weftigan uu hoggaaminayo oo ay xubno ka yihiin Xildhibaan Cabdirisaaq Faarax Xasan (Qawdhan) oo ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, Xoghayaha Fulinta ee Dawladda Hoose ee Hargeysa Mawliid Weris Cabdillaahi, iyo laba xubnood oo ka tirsan ururada bulshada rayidka ah, ayaa caawa ka dhoofaya madaarka caalamiga ah ee Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyadoo sida la sheegay ay caasimadda Stockholm ku began yihiin abaaro 7-da subaxnimo wakhtiga Stockholm ee subaxnimada maalinta Axadda ah ee Berrito.
Maayarka Hargeysa iyo weftiga uu hoggaaminayo oo uu Sweden kaga biiri doono wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire ayaa waxa u qorshaysan inay kulamo la yeeshaan golaha deegaanka caasimadda Sweden ee Stockholm, iyadooo sida xubno ku dhowdhow weftigu ay sheegeen ay maalinta isniinta la kulmi doonaan Maayarka Stockholm Sten Nordin iyo madaxda dawladda hoose ee caasimadda Sweden, waxaanay laba dhinac kulankoodaas kaga hadli doonaan fulinta qorsheyaal hore u socday oo ay ka mid yihiin mataanaynta caasimadaha Somaliland iyo Sweden ee Hargeysa iyo Stockholm. Sidoo kale waxay labada dhinac ka wada hadli doonaan sidii labada caasimaddood looga kala furi lahaa laba xafiis oo ka hawl-geli doona horumarinta goleyaasha deegaanka labada magaalo, kuwaas oo ka shaqayn doona mashaariicda horumarinta ah ee golaha Deegaanka Hargeysa ay u fidinayaan dawladda hoose Stockholm iyo Qurba-jooga reer Somaliland ee ku dhaqan Sweden.
Waxa kale oo ay wararkani sheegayaan in labada Maayar ee Hargeysa iyo Stockholm ay qallinka ku duugi doonaan qaar ka mid ah mashaariic ay hore u balanqaadeen Golaha Deegaanka ee Stockholm.
Socdaalka weftiga Maayarka Hargeysa, Cabdiraxmaan Soltelco ayaa la filayaa inay sidoo kale la kulmi doonaan Jaaliyadda Somaliland ee Stockholm qaar ka mid ah madaxda dawladda Sweden, iyadoo wararku sheegayaan in socdaalkooda shaqo ee ay ku tegayaan dalka Sweden uu qaadan doono muddo toddobaad ah.
Golaha deegaanka Hargeysa oo muddo shan bilood ah xilka hayey, ayaa horaantii bishii April jagada Maayarka u doortay Cabdiraxmaan Soltelco, kadib markii uu geeriyooday Marxuum Yuusuf Warsame Siciid oo ahaa Maayarkii u horeeyay ee golaha cusub ee deegaanka Hargeysa u doortay Maayarka, waxaanay tan iyo wakhtigaas oo ay dawladda hoose ee Hargeysa qaaday tallaabo lagu ammaanay kadib markii ay jid casri ah markii ugu horeysay ka hirgeliyeen caasimadda Hargeysa, iyadoo dad badani ku tilmaameen tallaabadaas mid soo noolaysay rajadii ay ka qabeen inay waxqabad la iman doonaan golaha cusub ee u badan dhallinyarada, isla markaana ay hoggaaminayaan Maayar iyo Maayar ku-xigeen dhallinyaro ah.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories