HomeWefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Ururka Xaqsoor oo maanta Dalka ku soo laabtay...

Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Ururka Xaqsoor oo maanta Dalka ku soo laabtay (DAAWO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)- Wefti uu hoggaaminaayo guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Xaqsoor Md Xasan Ciise Jaamac, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.

blankTaageerayaasha ururka Xaqsoor ee gobolka Saaxil, gaar ahaana magaalada Berbera, ayaa gudoomiyaha iyo weftiga uu hoggaaminaayo kaga hor yimi barxada hore ee madaarka Magaalada Berbera.

Waftigan ayaa ka koobnaa, gudoomiyaha ururka Xaqsoor, gudoomiye ku xigeenka koowaad, gudoomiye ku xigeenka labaad, Aadan Ruush iyo murashax Saleebaan Daahir Dogox.

Md Xasan Ciise Jaamac iyo waftigiisa ayaa saxaafadda kula hadlay qolka nasashada ee madaarka, waxaanu ka war bixiyey socdaalkiisii Jabuuti iyo Itoobiya, isaga oo hoosta ka xariiqay arrimo door ah.

Ugu horayn wuxuu gudoomiyaha ururka Xaqsoor u mahad celiyey dhamaan taageerasha ururka Xaqsoor ee gobolka Saaxil, waxa uu yidhi,  “Socdaalkii aanu ugu baxnay dalka Jabuuti oo aanu ku maqnayn mudo tobaad ka badan, socdaalkaas oo uu ururku aad iyo aad ugu soo najaxay, marka hore ay na-casuumeen xubno aad muhiim ugu ah ururka, kana tirsan ururka oo dalkaas inoo jooga, taageerayaashii ururka waanu soo aragnay, waxaanu soo dhisnay xafiiskii ururka Xaqsoor ee Jabuuti, waxaan la ilaabi karin sida niyada ah ee ay taageerada buuxda noo siiyeen dadkii aanu halkaas kula kulnay, lama koobi karo oo aad iyo aad ayaanu ugu diirsanay”

Geesta kale gudoomiyaha ururka Xaqsoor wuxuu shaaca ka qaaday in aanay wafti ahaan u socon dalka Jabuuti, “Dawlada Jabuuti waftigani umuu socon oo wakhtigeedii maaha. Jabtuui hadii aan erey ka idhaahdo. Jabuuti aniga waxaa iigu danbaysay 14 sano ka hor, wakhtigaa hore ee Jabuuti iigu danbaysay waxay ku dhawaday Failed State (Qaran dumay) ayey qarka u saarnayd, lix bilood, todoba bilood ayaan mushaharada la qaadan jirin. Kalmadaas Failed State waagaas lama aqoon, hadase ilaahaybaa faraj u furay oo imika garanba maysid oo cirkaas ayey maraysaa, way dhisantay, dadki way kala jeesteen, shaqadi cirkaas ayey maraysaa, wadooyinkii, adeegii bulshada, aduunkiiba isugu yimi. Taasi waxay tilmaamaysa arrin taariikhiya oo la yaqaanay oo cida taariikhda aqoonta u lihi ay ka dharagsan tahay, waxay tilmaamaysaa in hogaanka dalka iyo dadkuba ay wax way badali karaan. Waaba Aayad quraana oo ilaahay inooma qarinba oo marka uu meel rogaayo kuwa ugu xun ayuu qadarku soo saarayaa oo madax meeshi madax u noqonayaa, markaasay la degayaan. Marka meel faraj ilaahay ugu tala galayna kuwoodii ugu roon roonaa hogaanka ku soo baxaya oo qadarku soo saarayaa, markaasay dabeeto wax wanaajinayaan. Itoobiyana maan tagin labaataneeyo sanadood, warkeeda waxaan ku hayaa inay sidaas iyo si layaab leh ay horumar u samaysay.”

Ugu danbayntii, waxa uu guddoomiyaha ururka Xaqsoor sheegay in meesha inoogu dhaw ee dhanka horumarka laga higsan karo ay tahay wadamada jaarka ee sida la yaabka leh u horumaray.

Aakhirkii waxaa hogaanka ururka Xaqsoor loo galbiyey dhankaas iyo xafiiska ururku ku leeyahay magaalada Berbera.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories