HomeWefti Somaliland u metalaya wada-xaajoodka Maamulka Hawada Sare oo dalka Turkiga u...

Wefti Somaliland u metalaya wada-xaajoodka Maamulka Hawada Sare oo dalka Turkiga u dhoofay iyo Rejada Wasiirka Duulista

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa gelinkii dambe ee maanta u anba-baxay dalka Turkiga, halkaas oo ay kaga qayb-gali doonaan sii anba-qaadka wada-hadallada khilaafka ka taagan maamulka Hawada Sare ee dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo wakhtigan u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Weftiga oo ka kooban Afar xubnood oo uu wasiirku hoggaaminayo, waxa ay ka qayb-gali doonaan gogal wada-hadal ku aaddan khilaafka ka taagan maamulka Hawada Sare oo dowladda Turkigu u fidisay Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo la filayo inay halkaas isla caawaba ay gaadhaan weftiga Somaliland iyo ergo ka socota dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

wadahadaloMd Maxamuud Xaashi, wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland oo shir-jaraa’id ku qabtay Gegida diyaaradaha ee magaalada ka Hargeysa maanta, waxa uu sheegay in wada-hadalladu noqonayaan shir Afar Geesood ah oo marka laga yimaaddo labada dhinac ee wada-hadalladu u dhexeeyaan ay ka qayb-galayaan Dowladda Turkiga iyo hay’adda Qaramada Midoobay ee Gacanta ku haysa maamulka Hawada dalkii laysku odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya.

Shirka wada-xaajoodka Somaliland iyo Soomaaliya oo tiraba dhowr jeer lagu qabtay dalka Turkiga, balse kulankii ugu dambeeyey lagu soo daray Ajandaha maamulka Hawada Sare, ayaa kaga duwan shirkaas hore iyadoo ay goob-joog ka noqonayaan masuuliyiin sar-sare oo ka socda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Maamulka Hawada Sare oo iyadu gacanta ku haysa maamulka Hawada dalweynihii laysku odhan jiray Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO HADALKA WASIIRKA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories