HomeWefti ka socda Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo Borama gaadhay iyo...

Wefti ka socda Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo Borama gaadhay iyo Weriye kale oo xabsiga loo taxaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeisa, 11 January, 2012 (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyay xadhigga Weriye Maxamed Cumar oo ah Weriyaha Wargeyska Saxafi uga soo warama Gobolka Awdal oo maanta Xabsiga loo taxaabay, iyada oo hore uu u xidhnaa Weriyaha Royal TV ee Borama Yusuf Cabdi Cali.

Wefti uu hoggaaminayo Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mr. Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax, ayaa maanta u kicitimay magaalada Borama, halkaas oo ay u tageen ka-hawl-gelidda sidii loo sii dayn lahaa Weriyayaasha xidhan, gaar ahaan Weriye Yuusuf Cabdi Cali oo maalmihii ugu dambeeyay ku xidhnaa magaalada Borama, “Maanta waxaanu u baxaynaa magaalada Borama oo ay ku xidhan yihiin laba Suxufi oo kala ah Yuusuf Cabdi Cali iyo Maxamed Cumar, waxaana ujeeddada socdaalkayagu tahay in aanu ka hawl-galno sii-daynta weriyayaashaas,” sidaa waxa yidhi Xoghayaha guud ee SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo warbaahinta kula hadlay Hargeisa, ka hor intii aanu u bixin magaalada Borama.

Weriyaha maanta la xidhay ee Maxamed Cumar ayaa la sheegay in amarka  xadhiggiisa uu bixiyay taliyaha Dembi-baadhista ee Borama, waxaanu ku xidhan yahay xarunta dembi-baadhista ee isla magaladaas. “Waanu ka xunnahay Xadhigga weriyayaasha iyo tacaddiyadda ka-dhanka ah, waxaana loo baahan yahay in Xukuumadda Somaliland ay dib uga noqoto tallaabooyinka ka-dhanka ah saxaafadda madaxa bannaan,” ayuu intaa ku daray Xoghayaha guud.

Maxkamada degmada Boorama ayaa Weriye Yuusuf Cabdi ku xukuntay 45 maalmood oo xadhig ah, isla makraana sii-hayn (Rumaan) ah, ka dib markii uu laba maalmood ka hor ciidamada boolisku ay xabsiga u taxaabeen.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories